Mayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko oo qar ka mida dadweynaha hargeysa oo ku yidhi Madaxweynaha kaga dacwoonayna ayuu ugu jawaabay u taga madaxweynaha wakhtiigisi dhamaaday aniga waxba iga qadi mayo.

0
599

solteckoMadaxweyne Siilaanyo Kol Hadii uu Wax Ka Sheegay Maayar Soltelko Waa Ku Abaal Laa’an.
Maayarka Caasimadda Soltelko oo baryahan danbe aan ka soo ag wareegin xafiiskiisa magaaladda Hargeysa ayey dad dan yar ahi la kulmeen oo ay ku yidhaahdeen Maayar xafiiskaaga ma timaadid,maalinta aad timaadana askartu nama siidayso marka ma madaxweyne Siilaanyo ayaan u tagnaa? Markaasu ugu jawaabay halkan aniga ayaa ka taliya ee ordo Siilaanyahaad sheegaysaan u taga,waa in wakhtigu ka dhamaaday oo waxba igama qaadi karo,hadalka ka soo yeedhay Maayarka Caasimadda Soltelko ayaa noqday mid ay la yaabeen dadkii goobta joogay oo dhan,waxayna u macneysteen in maayarku kibir tiicayo oo uusan xita madaxweynaha dalka waxba iskaga tirineyn.
Hadaba marka ay xaaladi halkaa marayso waxaad ogaan karta akhriste in maayarka caasimaddu ku sifoobay abaal la’aan waayo hadii aan madaxtooyadda Somaliland ku ilaalineyn kursiga uu ku fadhiyo ma sii joogeen ee barri hore ayaa xilka ay ka qaadi lahaayeen xildhibaanada golaha deegaanku,marka hore ayaa loo yidhi Abaal Dad Gallaa Badan ,Dad Gudaa se Yar,maanta waa gartii maayar soltelko in uu sidaasi u hadlo,kol hadii madaxtooyaddu ku daawaanayso dadka danyarta ah eek u dhibaataysan xayndaabka dawladda hoose iyo kuwa ay dulmiyeen masuuliyiinta dawladda hoose.
Muwaadin waxaad ka warqabtaan in xarunta dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa subax kasta ay joogaan dad u badan dan yar oo aan haysan xita hadii yimaado maayarku cid dhaafin karta albaabka maayarka oo ay ilaaliyaan askar badan oo aan siideyn cid ay xildhibaanadu wadaan mooyeen ama cid uu maayarku wato mooyeen,dadku halkaasi dawladda hoose way ku dhibaateysan yihiin.
La soco xogo kale oo ku saabsan dhibaatada ka taagan dawladda hoose oo an soo bandhigi doono iyo codad sir ah oo laga duubay Maayarka.

Qalinkii: Maxamed Ibrahim
maxamedibrahim5@gmail.com

 

 

 

 

 

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here