Switzerland(QoryaaleNews): Gabdhaha Muslimiinta waa inay la dabaashaan wiilasha, ayay go’aamisay maxkamadda Yurub ee xuquuqda bini’aadanka

0
564

Switzerland ayaa ku guulaysatay dacwad maxkamadda Yurub ee xuquuqda bini’aadanka (ECHR), oo ka doonaysa waalidiinta Muslimka inay u diraan ilmahooda casharo dabaal oo ay ka qayb qaadanayaan wiilal iyo gabdho.

Waxaa la sheegay masuuliyiinta inay ku qanceen inay muhiimada siiyaan sidii loo fulin lahaa “iskuulka manhajkiisa oo dhan” iyo sidii ay “ilamaha ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka” bulshada.

Maxkamada Yurub ee xuquuqda bini’aadanka ayaa aqoonsatay in xoriyada diinta faragalin lagu sameeyay.

Laakiin xaakimyada ayaa sheegay inaysan u dhigmin xadgudub.

Dacwadda waxaa maxkamadda keenay laba qof oo Turkiga u dhashay oo diiday inay gabdhahooda u diraan casharo wiilal iyo gabdho ay baranayaan.

Masuuliyiinta waxbarashada ,ayaa sheegay in dabaasha gaarka ah ay waydiisan karaan gabdhaha qaangaarka ah oo kaliya, iyadoo waqtigaas gabdhaha aysan qaangaar ahayn.

Sanadkii 2010, kadib muran waqti dheer socday waalidka ayaa lagu ganaaxay ku dhawaad €1,300 (£1,100) ” inay jabiyeen masuuliyadoodii waalidnimo”.

Waalidka ayaa ku dooday in sida loola dhaqmay ay ka soo horjeedo qodobka sagaalaad ee Heshiiska Yurub ee Xuquuqda Bini’aadanka, taasoo ka hadlaysa xoriyada fikirka iyo diinta.

Hadal ay soo saartaymaxkamadda (EHCR) waxay sheegtay in gabdhaha aan dabaasha laga reebin ‘inay tahay faragalin lagu sameeyay xoriyadooda diinta’.

Laakiin waxay sheegtay in sharciga uu dhigato “in la ilaaliyo ardayda ajnabiga inaan laga soocin bulshada.”

Maxkamadda ayaa sheegtay Switzerland inay xor u tahay sidii ay samayn lahayd hab waxbarasho oo ” ku salaysan waxa ay u baahan tahay iyo dhaqankeeda.”

Iskuulka, ayay sheegtay inay ciyaareen kaalin wayn in bulshada ay is dhexgasho, in casharada qaar la dhaafo ayaa sabab loo heli karaa oo kaliya markii ay jirto “xaalad gaar ah.”

” Ilmaha waxa dantooda oo ah waxbarasho kaamil ah, oo u ogolaanaysa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka bulshada sida uu dhaqanka yahay, ayaa ka guulaysatay waalidka waxa ay rabaan ee ah inaan gabdhaha ka qayb qaadan casharada dabaasha ee wiilasha iyo gabdhaha” ayay sheegtay maxkamadda.dabal

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here