Maleeshiyo Beeleed La Wareegtay Cagafyo Lagu Qodayey Sahaminta Shiidaalka Iyo Xiisad Car Iyo Wir Ah Oo Ka Qaraxdey Deegaanka QAADLE

0
471

Maleeshiyo Duurka La Galay Cagafyo Ay Xoog Ku Kaxaysteen Iyo Ciidamadii Ilaalada ahaa Oo Firxad ku Soo galay BURCO

Caynaba(QoryaaleNews) Madaxda Dhaqameedka Deegaanka QAADLE Oo Ka Cudurdaartay Inaney Damaanad Qaadi Karrin Ilaalinta Amniga Shiidaal Baadhayaasha

Xiisad cusub ayaa ka soo cusboonaatay deegaanka QAADLE halkaas oo iska hor imaad ku dhex maray ciidamo ilaalo u ahaa saraakiil jayniis ah oo ku guda jiray hawlaha sahaminta shiidaal baadhista dalka, wararka ka imanaya deegaankaas ayaa tibaaxaya in maleeshiyo beeleed hubaysani ay  is weer ka qabteen ciiidamo boolis ah oo ilaalo ka ahaa hawlahaa shidaal baadhista. xiisada ayaa salka ku haysa ka dib markii cagaf la mariyey baco dadka deegaanka ee abaartu saamaysay biyo ku shubteen ay gabi ahaanba hilifaha ulaabtay bacahaa biyaha kaydka u ahaa halkaas oo ay is rasaasayn xoogani ka bilaaban taas oo sabab u noqotay in  saraakiishii sahaminta shiidaalka iyo ciidamadii booliska ahaa ay orad ku soo galaan magaalada burco. maleeshiyo beeleedka weerarka soo qaadey ayaa goobta ka dhacay cagaftii lagu qodayey sarfaynka isla markaana duurka la galay iyagoo wata saanad hub culus ah. ila xogagaala oo dhaq-dhaqaaqooda la socdey ayaa tibaaxaya in madaxda dhaqanka ee deegaankaasi ay wasiirka macdanta iyo tamarta ku war galiyeen in sidan ay wax u wadaan wax ka badelaan  maadaama ay sarfaynku galaafanayo biyaha lagu jalayo maatida ee bacaha lagu kaydshay waxase taas badelkeeda wasiirku kaga jawaabay aamusni aan wax ka qabasho lahayn iyagoo madaxda dhaqankuna ka cudurdaartay inaney damaanad ka ahayn wixii ka yimaada maadaama ay arkayeen hub urursiga maleeshiyo beeleedka iyo habka qaloocu ku jirro ee Wasaarada macdanta iyo tamartu uwaddo sidoo kale odey dhaqameedka deeganka ayaa wasiirka usoo jeediyey ilaa inta abaarta laga soo kabanayo inay hakiyaan shiidaal baadhista. xiisadan ka soo cusboonaatay deeganka QAADLE ayaa ah mid dabar ku noqon karta hawlihii shiidaal baadhista dalka maadaama madaxda dhaqanku ay saluugeen qorshaha wasaaradu ka leedahay shiidaal la helo oo dalka gaadha. wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadii gobolka sarar soo gaadheen goobta shaqaaqadu ka dhacdey ilaa haddana ay isku hor fadhiyaan  deegaankii Mooradu ka cakiran tayd dhanka kale ma jirro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Wasaarada macdanta iyo tamarta.

QoryaaleNews/Caynaba cagafOffice

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here