Cabdiraxmaan Faroole ka mida musharixinta u tagan madaxweynaha Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho kana hadlay qorshahiisa murashaxnimo:

0
451

:-C/raxmaan Maxamed Faroole oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay tahay markii afaraad ee uu yimaado Muqdisho dagaaladii sokeeye kadib.Mr. Faroole ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka iyo dadka ku xukumi doono Shareecadda Islaamka si aan loogu mar marsiyoonin buu yiri Shareecadda Islaamka ma wataan iyo gaaleey ka socdaan iyo erayo kale.

C/raxmaan Faroole wuxuu ku faanay haddii la doorto inuu dhisi doono dowlad qaran oo tayo leh, isla markaana dadka Soomaaliyeed dhan uu mideyn.

Mar uu ka hadlayay inuu yahay murashax aan wadan dowlad gaar ah ayuu sheegay inuu yahay shakhsi u sharaxan shacabka Somaliyeed, wuxuuna ku faanay inuusan wax xiriir ah murashaxnimadiisa kala sameyn dowladdo shisheeye waa sida uu hadalka u dhigay.”Waxaan tagay Kampala, dowladda Uganda ma arag mana raadin, waxaan tegay Nairobi iyaduna dowladda Kenya ma raadin mana arag, haddee anigu waxaan u sharaxanahay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole oo ka codsaday xildhibaanada madala shacabka Soomaaliyeed in ay ku qaataan waxa uu yahay.Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, wuxuu ka mid yahay murashaxiinta mar hore ku dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka madaxweyne. Cid kasta wey ka dheregsan tahay shaqsiyadiisa, waxaana lagu bartay inuu mucaarado dowladdii Soomaaliya ee Xasan Sheekh iyo Sh. Shariif ka hor iyo kadib-ba markii uu xilka Puntland ku fadhiyay iyo markii uu xilka ka degay. Waxaa lagu yaqaan inuu jeediyo hadalo kulul. faroole-muqdisho-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here