Madaxweynaha Xasan Shiikh oo kulan Qado Sharaf ah la qaatay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta iyo guddiga qaran ee gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

0
461
xasanabar2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay sidii looga qeyb-geli lahaa gurmadka abaaraha la yeeshay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta iyo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha.

 

 

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa joogay, safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha, iyadoo diiradda lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe hey’adaha dowladdu ay uga qeyb-qaadanayaan gumadka abaaraha.

Xaaladda Abaarta waxaa la sheegay in shan Milyan oo dad Soomaaliyeed ay saameyn doonto haddii aanan si dhaqso ah looga jawaabin xaaladdaasi adag oo ka taagan gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana muhiim ah isku tashiga Soomaalida.

 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here