Halkan ka Akhriso Liiska Xildhibaanada isu soo Sharaxay Xilka Gudoonka Aqalka Sare oo ku jiro Mareeyihi hore Tvga Qaranka Somaliland Mustafe Qodax oo Maanta la soo Bandhigay ,

0
1511

Muqdisho(QYN) Guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta soo gebagebeeyey diiwaan gelinta musharaxiinta isku soo taagay doorashada gudoonka aqalka sare, soona bandhigay Magacyada Xildhibaanadii Isi soo Sharaxay.

Doorashada guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka oo la qaban doono 21-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee fooda inagu soo haysa, ayaa waxaa isku soo taagay 16 musharax oo u kala qeybsan guddoomiyaha golaha iyo labadiisa gudoomiye ku-xigeen.

Liiskii ay maanta soo bandhigeen guddiga qaban qaabada doorashada aqalka sare, oo nuqulo ka mid ah ay u qaybiyeen warbaahinta, ayaa lagu soo bandhigay magacyada musharaxiinta iyo sida ay xilalka ugu kala tartami doonaan.

 

gurtida muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here