Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Weriye Axmed Heello Oo Fiintu Dhex Miranayso,Maxay Isku Hayaan?

0
508

“Horta Ninkaasi Tol Qabtana ma laha oo Caloosha ayuu ka gumaystay Tolkii Sharci kaa Qabanayaana ma jiro oo Ciidamaddaba isagaa Xukuma..Weriye Axmed Heello.

 

awsiicidhee

“Arinkayaga waxa galay Wasiiro,Xildhibaano,Ganacsato iyo Waxgarad Balse waxay Noqonaysaa inaanu kala Calaf Qaadno…Axmed Heello

“Saddex Jeer Wuxuu adeegsaday oo uu ii soo diray Ciidamo milateri iyo booliisa oo isaga si toosa uga amar qaadanaya Hadh cad baan waddada ku riday.

Hargeysa,(QYN) 21 Jan,2017…..Maalmihii ugu dambeeyay waxa jiray muran gaadhay gacan ka hadal iyo in laysu habar wacdo mararka qaarna Ciidamo iyo hub laysu addeegsado oo u dhaxeeyay Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi iyo Weriye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi Heello kaas oo ka dhashay markii labada nin isku maandhaafeen Guri uu Xaafada Shacabka ku lahaa Weriye Axmed Heello isla markaana uu Dumiyay,Gurigaas oo weriyuhu doonayey inuu wax ka qabto oo dhisme Cusub ka bineeyo ka dib markii kii hore qaybo ka midi dilaac ku yimi weriyaha ayaa sida uu sheegay dhamaanba gurigaa dumiyay wuxuuna iminka bilaabay inuu dhiso balse dhismahaa wax is hortaagay Ganacsade maxamed aw Siciid oo Jaar la ah Weriyaha Dhawaana dhul ku qabsan guriga Weriyaha iibsaday qaybo dheeraadana Dawladdu siisay balse Hunguri ka galay in uu inta Weriyahana ku darsado Haddaba arrimahaa oo cakiran taagana ayaanu wax ka weydiinay Weriye Axmed Heello sida wax u jiraan Wuxuuna ugu Horayn nooga waramaya Sida Wax u dhaceen.

Horta marka hore arintaasi way jirtaa waxayna gaadhay in dhulkaygii gurigu iiga dhisnaa ee Caruurtu iigu dhalatay uu is yidhaa Ina Aw Siciid awood iyo Lacag u addeegso balse way suurta geli wayday Saddex Jeer ayuu Ciidamo isaga si gaara uga amar qaata soo geliyay oo xitaa dhismihii socday iga burburiyeen illaahay ayaa Dhiigooda iga badbaadiyay wixii anigu aan ku talagalay ma dhicin rag odayaala ayaa gacanta iga qabtay oo arintaa dhex galay iminkase weli way laalantahay aniguna waxaan goostay ina aw siciid iyo kuwa uu wataba inaan

waajibkooda mariyo.

Mar weriye Heello aannu waydiinay in ay jiraan cid dhex gashay wuxuu ku jawaabay inay Wasiiro Xildhibaano Ganacsato yo dad badani dhex galeen.

Haa Way jireen Kulankayagii u Horeeyay Gurigiisa ayuu ahaa Waxa nala joogay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,Siyaasi Xasan Mawliid,Ganacsade Cali Gobanimo iyo Rag kale markaa waxaanu isla qaadanay inaan ka iibiyo wax kastana waanu dhamaysanay waxayna ahayd bishii March ee Sannadkii hore waxba kamay suurta gelin dhinaciisa waa nin waxa uu kula galo aan fulin oo kolba cida kaaga dambaysaa wax u sheegto mar labaad waxa na dhex galay Ganacsade Maxamed Xuseen Indha birta Ganacsade Axmed Siciid Ducaale iyo Kornayl ganay markaana waxba kama hirgelin oo mar kasta isagaa ka baxayey shuruudaha iminka oo aan dib gurigaygii u dhisanayo ayuu soo rogaal celiyay wuxuuna Saddex jeer dalbaday Ciidamo isaga si toosa uga amar qaadanayey oo milateriya oo saraakiishii annagoo meesha isku haysana noo timi ay markhaati ka yihiin markii la waydiiyay xagaa ka socotaan Ciidanka Qaranka balse Xarunta Somcable iyo Ina aw Siciid,Runtii ninkan Tol iyo Xidid iyo ergo Cid Qabanaysaa ma jirto Tolkiina Caloosha ayuu ka haystaa oo Waxba uma sheegi karaan Aniga Dhinacayga iminka Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan Wasiiro kale iyo Ganacsato ayaa arinkii soo Galay laakiin arintani waxay noqon doontaa mid Sheeko Dheer Reebta waxaana ii cadaatay innaanu sharcigaba aqoon Ciidamada Dalkana Gacanta ku hayo oo siduu doono u isticmaalo.

Weriye Axmed Cabdiraxmaan Heello ayaa ugu Dambayntii Sheegay Talaabada uu qaadi doono haddii mar dambe Dhismaha gurigiisa lagu soo doonto.

“Walaahay nin La tolay ayay talo La Taalaa ayay Soomaalidu tidhaahdaa Ninka Guriga Quraarada ah ku jira ee Guriga Dhagaxa ah tuurtuurayaa isagaa cirka roob ku og Waa Ganacsadaheenii inta jeer ee aan Qallinkayga iyo Codkayga ugu hiiliyey Ciiddaa ka badan illaa Xilligii Ololaha Fiber optic Somcable ilaa maanta laakiin maanta waan qaawinayaa Cidna uga ashkatoon maayo nin Jilicsan oo dadka barya ma ihi Waxayga waan goostaa.

 

Qoryaalenews/Hargeysa Office

Qoryaalenews2@gmail.comawsiicidhee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here