Halkan Ka daawo,Deegaanno Badan Oo Ka Kala Tirsan Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil Oo Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Ba’an Oo Ay Sababta Abaarta Ka Jirta Dalka + Qaylo-dhaanta Bad-baadinta Nolosha Bina’aadanka Ee Ka Soo Yeedhay Dadka Deegaanaddaas.

0
461

Iyadoo guud ahaan ay abaaro ba’ani ka jiraan dalka Somaliland, gaar
ahaan Gobolladda bari, isla markaasna ay saamayn xoogan ku yeelatay
nolosha dad iyo duunyo. Dadka degan deegaanno badan oo ka kala tirsan
Gobolladda
Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil,  ayaa ah kuwo dareenkooda si
dhab ah looga dheehanayo diifta iyo dhibaatadda baahsan ee ay ku
keentay abaartu.

Dhibaatadda ay sababtay abaartu ee ay ka mid yihiin biyo la’aan, cuno
la’aan, ayaa ah mid ay dadku la tacaalayaan, iyagoo xoolihii guud
ahaanba ka baxeen, wakhti xaadirkana ay naftoodu khater ugu jiraan
dhimasho. Guddi xaqiiqo raadis ah oo soo kicintay caasimadda Hargeysa,
ayaa soo kormeeray deegaanaddan oo ay dhalasho ahaana ka soo jeedaan,
isla markaana hoos yimaada Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo
Saaxil.

Ugu horeyn gudidu oo lugtoodii ugu horeysay ka bilowday 16/1/2017-ka
degmadda Hara-sheekh oo ka tirsan Gobolka Daad-madheedh.

Haddaba, waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa, barnaamij aanu
idiinka soo diyaarinay, isla markaana si dhab ah ugu hadlay
dhibaatooyinka abaartu ku yeelatay deegaanadii aanu soo marnay ee
daawasho wanaagsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here