Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo Ka Mida Golaha Deegaanka Burco Oo Si Kulul U Naqdiyay Hadalo Lagula Kacay Hogaamiyaha Wadani.

0
466

Burco(QYN):Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadaladii Deel Qaafka Laha Ee Lagula Kacay Hogaamiyah Xisbiga WADDANI Xirsi,Fariina U Diray Cuqaasha Iyo Siyaasiyiinta Reer Gebilay

Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo Ka Mida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco, Ayaa Si Kulul U Canbaareeyay Hadalo Deel Qaafa Oo Xildhibaan Iid Xasan Dheere Oo Ka Mida Golaha Deegaanka Degmada Gebilay, Kula Kacay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Kaas Oo Ku Tiraabay Hadalo Xanaf Leh, Oo Ku Salaysan Kala Qob Qob Iyo Qabyaalad Cad, Isaga Oo Sheegay In Gobolka Iman Karin Dad Aan Deegaan Ahaan Kasoo Jeedin Isla Markaana Dalbaday In Isaga Lasoo Maro.

Xildh,Nuux Maxamed Xuseen Oo Arintan Ka Hadlaaya Ayaa Yidhi,,Waxaan Canbaaraynaya Falkii Foosha Xuma Ee Ka Dhacay Gobolka Gebilay Kaas Oo Uu Ku Kacay Mid Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gebilay,Kaas Oo Sababi Kara Inuu Ku Waayo Xaasaaniyadiisa,Xildhibaanimo Marka Loo Eego Xeerka Ismaamulka Degmooyinka Iyo Gobolada X23/ Ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,

 

Sidoo Kale Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo Sii Wata Hadalkiisa,Waxa Uu Tilmaamay,, Arinkani Maaha Mid U Yaala Xisbi Iyo Xukuumad Toona Balse Waa Mid U Yaala Cuqaasha Waxgaradka Iyo Xildhibaanada Gobolka Gebilay,Hadaanay ArinkaaS Xaal Iyo Boolajiis Ka Bixin Cawaaqib Xumada Ka Timaada Waa Mid Iyaga U Taal Arinkan Waxaan U Arkaa Inuu Yahay Nasiib Daro Weyn Oo Ku Soo Habsatay Somaliland,Hadii Lakala Sheegto Deegaanada

 

Xildhibaan Iid Xasan Dheere Oo Ka Mida Golaha Deegaanka Gobolka Gebilay Ayaa Maalinti Shalay Fal Aad U Foolxun Kula Kacay Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X,Xasan Falkaas Oo Kusaabsana Isir Nacayb,

 

QoryaaleNews/Burco Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Burco/Togdheer

 

 

 

NUUX

 
 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here