Nuxurka Afar Qodob Oo shalay Xisbiyadda Qarranku Ugudbiyeen Komishanka Doorshoyinka Qarranka Somaliland.

0
489

Hargeysa(Sahan) kulankii shalay ku dhex maray sadexda Xisbi Qaran iyo komishanka Doorashooyinka ayaa waxa laga soo saaray Qodoba kala duwan oo ay ku kala aragti duwan yihiin sadexda xisbi, Warqada ay u gudbiyeen komishanka Doorashooyinka ayaa waxay xusaysaa in labada xisbi ee Waddani iyo Ucid soo jeediyeen in mudo kordhin la sameeyo lix bilood ah halka xisbiga Kulmiye uu soo jeediyey in sharciga loo maro mudo kordhinta la samaynaayo inta laga baxaayo xaalada abaareed ee dalka ka jirta. warqadan ay soo sareen Saddexda xisbi qarran ayaa waxaa ku saxeexna Hogaamiyayaasha saddexda xisbi qarran waxaanay Udhignayd sidan;

Go,aamadii kasoo Baxay shirkii ay yesheen Hogaamiyayaasha Saddexda xisbi qarran Xarunta Komishanka dorashoyinka qarranka 17/01/2017;

Go,aamada laysla qaatay;

1. in abaar baahsan dalka ka Jirto

2. inay Muqaato inay iska Hor imanayso xaalada abaareed iyo xilliga loo qondeeyay qabsoomida dorashoyinka.

3.xisbiga Kulmiye waxaa uu xaalkeeda uraacay Furdaamiin sharci.

4.xisbiyaddda Ucid iyo Waddani waxaa soo jeediyeen in Muddo lix bilooda dib loo dhiigo qabsoomida doorashada.

Si kastaaba ha ahaate Go,aankan saddexda xisbi qarran ayaa weli uu Muuqada mid ay ku kalaa aragti duwanyihiin Hogaamiyayaasha saddexda xisbi qarranay waxaanay xisbiyaddu weli ku kalaa aragti duwanyihiin Go,aan ka gaadhiista xaalada abaareed Iyo qabsoomida doorashada dalka, waxaanay arrintan loo wareejin doono Maxkamada sarre Somaliland.

Xisbiyadda Mucaaridka Oo Weli Tuumaya Durbaanka Muddo Kordhiin Loo sameeyo Xukuumadda, Iyo Go,aanka Xisbul Xaakiimka

Hargeysa(Sahan) Xisbiyadda Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid ayaa weli ka cagaa Jiidayaa inay dalka ka dhacdo doorashada Madaxtiniimada waxaanay weli Go,aan mideysan ka leeyihiin Doodda ka tagaan xaaladaha ishuwan ee dorashada iyagaa soo jeediyay in Muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha qarranka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Ugu Horeyn Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee Ucid ayaa sheegay inay xisbiyo ahaan isku raacsanyihiin xaalada abaareed ee dalka ka Jirtaa balse ay ku kalaa aragti

duwanyihiin xilliga dalka lagaa qabanaayo dorashada madaxtiniimada waanakan Gudoomiye Faysal cali waraabe oo arrimahaas ka hadlaaya ” dhamaantay waxaanu islagaranay inay maanta abaar xuni dalka taalo waxaana sidoo kale cadaatay inanaay isqabanayniin, abaaraha iyo xilligi doorashada sidaas daradeed xisbiga kulmiye waxaa usoo jeediyay in Furdaamiin sharci loo sameeyo anaguna waxaanu leenahay arrintaasi surogal maahe doorashada dib haloo dhiigo muddo lixbilooda ay xoogana saarno abaaraha iyo baadbaadada dalkeenna markaa intaasnu saxeexnay dhamaantay ”

dhanka kale Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isna kasoo Horjeeda in dalka la qabto doorashada Madaxtiniimada xaalad abaareed awgeed ayaa waxaa uu Yidhi ” Kulan muhiima ayaanu ku yeelanay xarunta komishanka dorashoyinka waanu isla Gorfaynaay xaalada Guud ee dalku maraayo, marka kowaad waxaanu islagaranay inay dalka ka Jirto xaalada abaareed sidoo kale waxaanu islagaranay inay iska Horimanayaan xaalada abaareed iyo qabsoomida doorashada madaxtiniimada labada ray ee Asxaabtu waxaa unoqday in dhinaca Mucaaridka soo jeediyaan in xaalada Ugu yar ee abaartan lagu Kordhiiyo xukuumadda, dhanka kalena xisbiga kulmiye waxaa usoo jeediyay in arrintaan loo mariiyo Furdaamiin sharci ” ayuu Yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

xisbiga Talada dalka hayaa ee Kulmiye ayaa weli isagu qabaa dareenka ah in la qabto doorashada islamarkaana lasii waado gurmadka abaaraha dalka ee ku sii Faafayaa dalka.

si kastaaba ha ahaate xisbiyadda Mucaaridka ayaa weli Go,aan adag ka Tagaan qabsoomida doorashada madaxtiniimada madaama maanta dalku dhex mushxaayo xalaada abaareed balse arrintaas waxaa kasoo horjeeda xisbiga kulmiye oo aamiinsan in la qabto doorashada islamarkaana kor loo qaado Gurmadka abaaraha.

Qoryaalenews/Hargeysa Office

Qoryaalenews2@gmail.com

xisbiyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here