Gabiley(QYN)Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa, kulan kula qaatey Gudaha Magaalada Gabiley qeybo kamid ah dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka Gabiley.

0
452
xirsi6Gabiley(QYN)Hoxirsi6gaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa, kulan kula qaatey Gudaha Magaalada Gabiley qeybo kamid ah dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka Gabiley.
Kulankan oo ahaa mid sigaar ah uga qabsoomay Gudaha Magaalada Gabiley islamarkaana, ay abaabulkiisa iyo qabanqaabadiisa iska lahaayeen Aqoonyahanka Xisbiga Wadani ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley waxa lagaga wada Hadley sidii loo xoojin lahaa fahansiinta dhalinyarada Gabiley ee istaraatijiyadaha iyo Barnaamijka Xisbiga Wadani iyo sida Xisbiga Wadani uga madax banana yahey Siyaasadaha loolanka Xisbiyada ee qabyaalada lagu saleeyay.
Kulankan oo mudo dheer qaatey islamarkaana, ay hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo dhalinyarada iyo haweenka uu la kulmey ay kuwada qaateen
qodobo muhiim ah oo lagu soo gunaanadey aragtida iyo Barnaamijka Xisbiga Wadani waxa uu ku dhamaadey jawi aad u wanaagsan.
Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Masuulyiintiisa hogaanka Xisbiga ayaa, isku waafaqey in Barnaamijka Xisbiga Wadani iyo baahintiisa saldhig looga dhigi doono Gobolka Gabiley taas, oo ay wadajir u hogaamin doonaan Aqoonyahanka Gobolka Gabiley ee Taageersan Xisbiga Wadani iyo Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),oo ka qeyb qaadan doona Wacyigalinta in Loolanka Xisbiyada iyo Doorashooyinka laga leexiyo Qabyaalada
QoryaaleNews/Gebiley Office
Qoryaalenews2@gmail.comjIDHIF AAA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here