Ugaaska Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Xisbiyada Ku Doodaya In Doorasho La Qabto Iyadda Oo Ay Dalka Abaaro Adagi Ka Jiraan

0
493

 

 

Hargaysa(QYNdoceedka1-jpg)Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland Ugaas Axmed Maxamed siciid(Cali-Mahdi) Ayaa si adag uga hadlay abaaraha dalka ka taagan ee u baahan in gurmad balaadhan dadkii reer guuraha ahaa loo fidiyo.

Ugaaska Axmed Maxamed Siciid ayaa warsaxafadeed uu soo saaray waxa kale oo uu kaga hadlay arimo la xidhiidha doorashooyinka,warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan

 

 

Waxa marka hore Mahad leh Alaah(swt) inaga dhigay Umad ku dhalatay kuna abtirsatay Diinta islamka ee suuban kuna ababtay wanaag is farida iyo xumaan iska reebka,Waxaan marka labaad halkan salaam uga gudbinayaa Umada reer sooomaaliland Xukuumad
iyo shacaba.

Waxaan jeclaystay inaan mar labaad ku celiyo arrimo aan hore uga hadlay oo ahaa abaaraha Dad iyo Dalba saamaysay oo ah:-

• Abaar dabeeci ah oo mudan in Gurmadka la xoojiyo iyo baryada Eebe oo la badiyo lana caadaysto in Salaada Roob doonta in la oogo Maalmaha jimcaha marka salaada Jimce laga soo baxo laguna booriyo in la sooma maalintaa.

Waxaanan odhan lahaa cida u hanqal taagaysa doorasho duruuftan maanta “Maba lulatee maxay leeftaa” Umada arrinkeedu yahay “Talo xiin baan ku garan lahaa” ma fiicna in Sanaadiiq loola tako iyo inaan arrinkiinu u muuqan “Maxay Keega u cuni waayeen” kor waayeelna waa wada indho ee u diir naxa Dadkiina dhibaataysan oo Daaduunka iyo dabar go.a dad iyo xoolaba haysta Umadiina hawla tagina Daaco goodlayn.

• Abaar Qoomiyadeed.

Waxa dhamaanteen u muuqda in meel layska dhigay Qoomiyadii iyo Qaranimadii oo loo weel qaatay Qabiil iyo qaylo dhaan ah “Tolaay yaa reer hebelaay iyo Aabahay goblin”oo siyaasigii, aqoon yahankii, wax garadkii iyo Madaxdhaqameedkiiba u guntaday, taas oo halka ay ina dhaxalsiin karato aynu ka wada dhereg sanahay “Eebe kama yeelo”.

Hadaba Inta dib loogu soo dabaalayo Umadeena, waxaan Xukuumada iyo cid waloo ay khusayso ku boorin lahaa inaan doorasho lagu deg degin ee culayska la saaro walaalaynta, Qoomiyadnimada iyo cunfiga qabaayladaysan oo meesha laga saaro.

Dadkaygana waxaan odhan lahaa Shaydaanka halayska naaro oo dib haloogu soo noqdo wanaagii iyo wada dhalashadii aynu lahaan jiray Siyaasadana halagu daro Ruuxa Riyaadiya iyo inayna idinka noqon nac iyo uurxumo eel fogaysta.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ugaas/ Axmed Maxamed siciid(Cali-Mahdi)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here