Komishanka Doorashooyinka Oo Dabada Ka Riixaya Qorshe Dhiig-Bax Ku Ah Qaranka Iyo Toddoba Degmo Oo La Nashqadeeyey In Doorasho Ka Dhacdo

0
508

Muusanowga Doorasho Doonka Iyo Naf-Baxa Maatida Nafbaxdey  

 

Ma Dadka Dhimanaya  la raali gelin mise calaamka?

Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa dabada ka riixaya qorshe dhiig bax ku ah qaranka kaas oo ay nashqadiisa dajiyeen masciideedo aan muuqan isla markaana hagaya qorshe lagu ilduufayo deegaano iyo muwaadiniin codbixiyayaala ku waas oo lagu waddo in la baal maro dastuurkii dalka oo jideynaya in doorashadu ka dhacdo 21 degmo oo codbixiyayaala, shaxdan dhitada ah ee komishanku maleegayo ayaa daaran sidii indhaha looga qarsan lahaa maatida leeday ee hoyga la noqontay oonka iyo macaluusha waxaney taa badelkeeda ka dhigteen in ay dalka laga qabto doorasho ka dhacda toddoba Degmo Doorasho oo kala ah Hargeysa,Burco, Boorama, Berbera, Sool, Sanaag, iyo Degmada Gabiley oo lagu Toddobeeyey waana qorshaha ay komishanku ku hawlan yihiin inay badka soo dhigaan iyagoo il duufay Lix iyo Toban Degmo Doorasho oo Codbixiyayaala  kuwaas oo muwaadiniinta ku Nooli is diwaan galiyeen kal hore balse imika xaal koodu noqdey la dhaafayaal aan tirsiimo u ahayn komishanka Doorashooyinka. ilo xogagaala Oo Dhaq-dhaqaaqooda Diirada ku Hayey ayaa wargeyska SAHAN Usheegay in qorshani kaabiga saaran yahay laguna waddo inay dhawaaq dheer ku sheegaan, degmooynka la ilduufay ayaa qaarkood ku jiraan xaalad xanuun badan oo ay abaartu ka gaadhayin lagu naf baxo halka komishanka iyo xisbul xaakimku ay u sacabo tumayaan doorasha dhacda. waxaana laga cabsi qabaa in dhawaaqani dalka ka abuuro xiisad kale oo muran galisa doorshada loo hanqal taagayo. waxaan halkan hoose ku soo gudbinaynaa  degmooyinka dalka ee is diwaan galiyey iyo sida codadkoodu noqdeen.

Xogo kala duwan oo maalmihii ugu dambeeyey ka soo baxaayey komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegaya in la helay tirada qaar ka mid ah shacabka reer Somaliland ee iska diwaan galiyey Gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland,

Xogtan ayaana soo bandhigitay tirada guud ee iska diwaan galisay lixda gobo lee Somaliland iyo sidoo kale tirada kala duwan ee degmooyinka Sadex gobol oo ka mid ah Somaliland,inkasta oo aan wali si rasmi ah loo hubin in ay tahay tiradii saxda ahayd hadana waa xogo hordhac ah oo la helay.

Sadaasha guud ee Gobolada Somaliland iyo degmooyinka ee diiwaan gelintii codbixiyeyaasha.

1.    Maroodi jeex …..312,000 Ayaa iska diiwaan galiyey

2.    Togdheer ………..178,000 Ayaa iska diiwaan galiyey

3.    Awdal …………….147,000 Ayaa iska diiwaan galiyey

4.    Sanaag…………… 85,000 Ayaa iska diiwaan galiyey

5.    Saaxil ……………..78,000 Ayaa iska diiwaan galiyey

6.    Sool ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,71,000 Ayaa iska diiwaan galiyey

Degmada

Hargaysa,,,,,,,,,,, 223000

Gabiilay,,,,,,,,,,,,,, 58,000

Sallaxlay,,,,,,,,,,,,, 17,000

Baligubadle &Hawd ,,,,,,,,15,000

Guuud ahaan waxa xaasil soo noqotay ,,,,,,,,,871,000

GOBOLKA SOOL:

Degmada……………………………………..Tirada Ansaxday

1.    Laascaanood………………………………….29,558

2.    Caynaba…………………………………………31,052

3.    Xuddun……………………………………………5,341

4.    Taleex……………………………………………..5,145

Wadar Guud: 71,096

Fiiro Gaar ah: Qaabka degaameysan ee Tirada Degmada Laascaanood [29,558] loo kala helay:

1.    Goobaha degaanada Hawdka [oo ay ku jirto degmada Ceegaag] iyo Ma Dareemin [Waqdari, Muuse Yuusuf, Abyan, Gebidheere, Agoonta Gabdhaha, Cali Barre, iwm]………………………………21,321 =[72%]

2.    Goobaha degaanada degaanada Nugaasha [Tuulo Samakaab, Adhicadeeyey, Yagoori, iwm] iyo goobaha Laascaanood ee xidhiidhka la leh [Gobolka, D/Hoose, Bisha Cas, Xero Qaad, Istobta Bari, iwm]………………………..8,237 = [28%]

GOBOLKA SANAAG:

1.    Ceerigaabo……………………………………..50,432

2.    Ceel Afweyn……………………………………17,962

3.    Garadag………………………………………….12,203

4.    Badhan……………………………………………..4,625

Xigasho/Wargeyska Sahanguddida-doorashoyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here