Mooshin xilka qaadis ah oo laga soo gudbiyay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guuleed

0
521

Muqdisho(QoryaaleNews) Mudanayaasha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug oo maanta kulan  ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa soo gudbiyay mooshin  kalsoonida lagala noqonayocabdikaarin

Xildhibaanada ayaa maanta kulan ku yeeshay hool ku yaala magaalada Cadaado , waxaana shir gudoominayay Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Intii uu kulanka socday ayaa in ka badan 46 Xildhibaan waxa ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Mudanayaasha mooshinkan soo gubiyay ayaa ku eedeynaya madaxweynaha in uu ku fashilmay hogaaminta maamulka, waxaa ayna sheegeen in waajibaadka maamulka uu kaga mashquulay sidda ay hadalka u dhigeen arrimo kale oo maamulka waxba ka quseyn.

Baarlamaanka Galmudug ayaa horey waxaa u hor yaalay mooshin kale oo laga gudbiyay gudoomiyaha Baralamanaka Galmudug Cali Gacal Casir.

Warqad qoraal ah oo shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa ku amray in la joojiyo kulamada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee maamulka , waxa uuna taageeray fasaxa dheradka ah uu gudoomiyaha baarlamaanka galiyay xildhibaanada Galmudug.

Ugu danbeyntii, arintan ayaa u muuqata mid salka ku heysa khilaafka ba’an ee soo kala dhax-galay guddoonka sare ee baarlamaanka maamulka oo isku haya hogaanka howlaha baarlamaanka.

QoryaaleNews/Office

QoryaaleNews2@gmail.com

Muqdisho/Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here