Haddaanu Mar Ciirnay Madhan Mayno,Oo Macbuudka Rabbaa Na Maarayn”Caaqil Mursal Dooyo

0
564

Hargaysa(QoryaaleNews ) Caaqil Mursal Cabdi Cali ayaa Baaq Xaalad Adag oo Degdeg Ah Waxaa uu u Diray Shacabka Somaliland,Beesha uu ka Soo Jeedo iyo Qurbajoogta u Dhalatay deegaamada Bariga Burco Kaasi Oo u Aadan Deegaanka uu Kasoo Jeedo Oo  Galay Xaaladii ugu darnayd Abid ee Abaaraha Taasi oo Sababtay Dhimashada Dad Noolaa oo ay Aafaysay Abaaraha Kuwaasi oo macaluul iyo Biyo La’aan ugu Nafwaayay Halkaasi

Caaqilka ayaa Ka Dhawaajiyay Inay Dadka Dhintay Marka laga tago ay Noloshu Gabaabsi ku Tahay Intii Hadhay Isagoo Wax Laga Xumaado ku Tilmaamay In Garoomo Lagu Ciyaaro Ay Baarlamaanka Somaliland Ansixiyaan Halka Dadkii Soo Doortay Ay Gaajo u Dhimanayaan

Caaqil Mursal Cabdi Cali(Dooyo) Waxaa uu Yidhi isagoo Arimahaasi ka hadlaya

“ Waxaan ugu Baaqayaa inay Si Degdeg ah Isku Casilaan Xildhibaanadii kasoo baxay Bariga Burco oo Dhamaa 17 Xubnood Marka Laga Tago intii Dhimatay kuwaasi oo Codkoodu Noqday Shimbirtii Oodweyne Hodhodho,Sidoo kale waxaan la Hadlayaa Madaxda dhaqanka Deegaamada Bariga Saaxil,Galbeedka Sanaag,Barcaqiliga Burco iyo galbeedka Sool inay Ka kulmaan Xaaladaha Dadkoodu Galay Taasi oo Aan Cidina u Maqnayn Ceelna u Qodnay Marka loo eego Aafada Abaaraha  Dabiiciga ah ee Soo Foodsaartay Deegaankooda

Waxaan Leeyahay Waxaa Dhamaan Xaaraan Ka Ah Kulankaas aan usoo Jeediyay Inay Isugu Yimaadaan Madaxda Dhaqanka Deegaankaasi Dhamaanba Nimanka Siyaasiyiinta Sheegta ee Kasoo jeeda Deegaanka  Mucaarid iyo Muxaafidba Kuwaasi oo Aan Odhan Karo Waxayba ku faraxsan Yihiin Dhimashada Dadkeena iyo Halaaga Duunyadeena

Waxaa la Yaableh Umada Reer Somaliland ee la leeyahay waxay wada leeyihiin Dhaqan iyo Dhiig ee Qaarna Loo Ansixinayo Malaayiin Doolar oo Garoomo Ah Markay Laamiyadii iyo Dhismayaashii Guryuhu Dhamaadeen loo Ansixinayo Garoomo Ay ku Dhereg Dhacsadaan Qaarna Ku Bakhtiyeen Dhulka Habardugaagu ku Dhinto kuwaasi oo la Rabay Codkooda Iminkana Laguba Fadhiyo

Waxaan Aaminsanahay In Asxaabta Somaliland ay Dhamaantood ka Maarmeen Codkooda Afartaas Deegaan ee aan kor kusoo Sheegay,Waxse Galabta Sheeko leh oo Mucjiso igu Noqotay Beesha ku Xisaabtamaysa Inay Deegaankaas Cod ka hesho ee Hadana Wasaaradahooda ,Salaadiintooda,Waxgaradkooda,Siyaasiyiintooda iyo Barlamaankoodu Kala Tacaalayaan Wax kasta oo Dadkaas aan soo Sheegay Loogu Gurman Lahaa Waxaan aad u Xusayaa Wasiirka Maaliyada iyo Barlamaanka Xubnaha Beesheeda ugu Jira ay Ansixiyeen Dhaqaalihii Gurmadka loogu talogalay Inay Garoomo ku Dhistaan,Sidoo kalena Riigag Qotaan kuwaasi oo isku Jirjira Shan kiilomitir Mana ihi nin Xisbi iyo Mucaarid u Hadlaya amase Cidi Dabada ka riixayso balse Waxaan Ka Hadlayaa Xaalada dhabta ah

Waxaan ugu baaqayaa Xukuumada maanta loo kordhiyay lixda Bilood ee Welibana Lagu Dilayo Dadkeeda iyo Dalkeeda Inay si Degdeg ah Isku casisho Sidoo Kalena Dawladaha Soo Socda ee Labada Dhinacba kasoo Baxa Tay Ahaataba inaanay Deegaankaasi Ka Fili Doonin wax Rajo Ah

Waxa Aadan Yeesif Galay Way Gu Dheertahaye

Samanihii Gudoonka U Lahaa Caabuq Galay

Waxaan Maanta Leeyahay Marka loo eego xaalada Taagan ee Dadkaygii Haysta TOGDHEER BAA CALAACALAY MARKUU TEBAY CIDIISII Waayo Kuwii Meesha u Joogay Ee Talada Dadku Bideen Hargaysa ayay Mooye Ka Wada Noqdeen Waxaanse u Malaynayaa In La Falay

Bendar Guuray Baadiye Camiran Boosh La Furi Waayay

Birgeydh Cararay Biig Daba Orday iyo Booje Hadhi Wayday

Buluush Kibirtay Baaniyaal Ilbaxay Bohon Lasoo Doortay

Bekal Naaxay Baydari Engagay Boholo Loo Jeexay

Nin Bahdii Ilaaway Oo Hadana Beelo Kale Raacay

Wax Ka Dhigan Siyaasiyiinta Beesha Bariga Burco ee Maanta Joogta Mucaarid iyo Muxaafidba

 

 

 

QoryaaleNews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here