TACSI MADAXWEYNE SOMALILAND KA TIMI . IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

0
696

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed SilaanyoMADAXWEYNE, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye (Gaadaali) oo Shil baabuur ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 07/01/2016, kaas oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Degmada Abdaal.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door muhiima ku lahaa dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna tilmaana shaqsiyad wanaagsan oo dadku ku hirtaan, sidoo kalena ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee Gobolka Togdheer.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

   

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here