Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Borama Oo La Sheegay Inay Mooshin Ka Dhan Ah Maayarka Usoo Gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland+Sababta.

0
451

Warar naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Borama ay mooshin ka dhan ah maayarka magaalada Borama Maxamed Xuseen Maydhane ay usoo gudbiyeen wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Waxaana xildhibaanada la sheegay inay tiradoodu dhan tahay13 xildhibaan kuwaas oo kasoo horjeeda maayarka magaalada Borama Maxamed Xuseen Maydhane,waxaana ay xildhibaanadani maayarka ku eedeeyeen in aanu wax wada shaqayn ah la lahayn oo uu shaqadii kaligii maroorsaday,sidoo kalena waxay xildhibaanadani maayarka ku eedeeyeen in uu shir gaar ah oo qarsoodi ah la yeeshay qaar kamida xildhibaanada ay isku reerka yihiin ee ku jiraa golaha.

Waxaana xoguhu sidoo kalena tibaaxeen in kalfadhigii u danbeeyey ee ay yeeshaan golaha deegaanka Borama uu ka dhashay buuq iyo sawaxan kaas oo ku sigtay sida la sheegay in lagu kala kaco.

Sidoo kalena waxa iyaduna xusid mudan in khilaaf ka dhex qarxay badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Shiine iyo maayarka magaalada Borama isla markaana ay isku maandhaafeen dhawaan arrimo ay kamid tahay in maayarka magaalada Borama la sheegay in uu si badheedha u hor istaagay gaadhi Cagaf-cagaf ah oo ay leedahay degmadu in loogu shaqeeyo dadka ay abaartu soo barakicisay ee kusoo hayaamay deegaanada gobolka Awdal taas oo la doonayey in loogu qodo godad loogu shubo biyo ay cabaan kana waraabiyaan xoolahooda.

Ilaa hadda lama garan karo halka uu ku danbayn doono khilaafkan laba geesoodka ah ee soo kala dhex galay xildhibaanada iyo maayarka halka dhinaca kalena uu khilaaf soo kala dhex galay gudoomiyaha gobolka Awdal iyo maayarka magaalada Borama Maxamed Xuseen Maydhane,waxaana bulshada magaalada Borama ay u dhag taagayaan natiijada kasoo baxda khilaafkaasi.mayarka-boorama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here