Xafladdii Aduunka Ugu La Yaab Badnayd Oo 72,585 Shumac Oo Mar kaliya La Shiday

0
710

xafBuuga lagu qoro dhacdooyinka aduunka ee Guinness World Record ayaa lagu daray Ashrita Furman iyo qaar kamid ah xarunta Sri Chinmoy kuwaas oo u dabaal dagay dhalashadii 85-aad ee mid kamid ah macalimiinta xaruntaas.

Inkabadan 72,585 oo Shumac ayaa wax ka yar 40 ilbiriqsi lagu shiday, taas oo la micna ah in uu yahay markii ugu horeysay dunida ee la sameeyo dabaal dag lagu qasaariyo tiro intaan la eg oo shumacyo ah.

Dabaal dagan cajiibka ah ayaa ka dhacay xarunta Sri Chinmoy ee fadhigeedu yahay magaalada ganacsiga aduunka ee  New York, inka badan 100 qofood ayaa ka shaqeynaysay in ay sameeyaan Toortada, halka la sameyay 60 xabo oo ah qalabka shidaya shumaca ay diyaar ahaayeen intii lagu guda jiray xalfadan dunida oo idil ka yaabisay.

SHumacyadii ayaa samayay holac kii ugu badnaa ee uu sameyn lahaa shamac, islamarkaana tani waxay ka dhigtay in ay heleen rikoor cusub oo ugu yaraan in ay ku gali karaan buuga diiwaanka dhacdooyinka layaabka lagu qoro ee Guinness World Record.

In hal Xalfad la shido hal jeer shumacyo badan ma ahan wax ugub ah dunida iyo dalka Mareykan ka, madaama uu horaantii sanadkan gaar ahaan bishii April  uu hal mar shumacyo gaaraya 50,151 oo xabo uu shiday ninka lagu magacaabo  Mike intii lagu guda jiray bandhigii lasoo sameyay Hard Lemonade taas oo ka dhacday magaalada Los Angeles ee gobolka California dalka Mareykan ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here