Danjire Michael Keating oo Qaramada Midoobay u fadhiiya Dalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Baledweyne :

0
512
Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne waxaa ku soo dhaweeyay Michael Keating Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo masuuliyiin kale oo ka  tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.
Michael Keating ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Magaalada Baledweyne, gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobolka, halkaasi oo uu kaga qaybgalaayo kulan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ay ku sugan yihiin.
Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee uu danjire Michael Keating uu maanta u gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Shalay ayeey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu gaaray Magaaladaasi Baledweyne.
Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana amniga goobtaasi iska kaashanaya ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Federalka Soomaaliya.

micheal-keating-jowhar-1i

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here