Netanyahu ayaa maanta oo sabti ah amar ku bixiyey in safiirada dalalka New Zealand iyo Senegal ay dib ugu soo laabtaan dalkooda si uu wadatashi dheeraad ah ula sameeyo maadaama waddamadaasi ay u codeeyeen qaraarkii shalay.
Codbixintii shalay oo jimca aheyd ka dhacday xarunta Golaha ammaanka ayaa waxaa horkacayey labadan dal, iyo weliba Malasia iyo Venezuela.
Sidoo kale Masar oo qayb ka ahayd ayaa dib uga guratay qaraarkan, ka dib markii Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu khadka telefoonka kula hadlay Cabdifataax al Siisi Madaxweynaha Masar. |