Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro Oo Dabada Ka Riixaya Midaw Dambe Oo Dhex Mara Somalia Kadib 25 Sanadood Oo Ay Gaar U Taagnayd

0
581

Nairobi, December 24, 2016 (Qoryaalenews) – Hogaamiyaha ugu weyn mucaaridka Somaliland ayaa soo jeediyey suurtagalnimada midaw dambe oo dhex mara Somalia doorashada sanadkan soo socda marka ay dhacdo.

Somaliland, ayaa madaxbanaanideeda la soo noqoday 1991-kii markii uu dhacay Dagaal Sokeeye oo dhacay markii ay burburtay dawladii Siyaad Barre, taas oo ilaa iyo hada ka madaxbanaan Somalia iyo dawladda Federalka ee Muqdisho.

Waxa jiray isku dayo lagu raadinayey aqoonsi 25-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu guuldaraystay in dhamaan dalalka iyo beesha caalamkuba ay xushmeeyaan “Xuduudihii Gumeystayaasha”, ee ay dhigeen Awoodihii Gumaystayaasha reer Yurub qarnigii 19-aad.

Gudoomiyaha Mucaaridka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Raysal Wasaaraha Somalia ula tagay mawqifkooda iyo siday u ogol yihiin Midawga Somalia iyo Somaliland.

Somaliland ayaa lagu wadaa in dadku ay codkooda ka dhiibtaan doorashada guud ee ku mudaysan bisha March 27, 2017, bilo kadib marka ay dhacdo cod bixinta Madaxtooyada ee Somalia bisha December 28-keeda sanadkan 2016.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa sidoo kale xidhiidh uu la sameeyey wakiilada dalalka Ingiriiska Denmark, Faransiiska, Midawga Yurub iyo Jarmalka oo uu kulan kula yeedhsay Arbacadii magaalada Nairobi waxa uu u sheegay “Waxa aanu doonaynaa in beesha caalamku ay naga taageerto sidii dalkayga ay uga qabsoomi lahayd doorashooyin la isku halayn karo oo xor ah”. Ayuu Cabdiraxmaan Ciro ka yidhi Kulankaasi.

Xubno kale oo iyaguna ka qabgalay kulanka ka dhacay Hotelka SERENA maalintii Khamiistii oo ka mid ahaa weftiga garabka Mucaaridka ee ka yimid Somaliland ayaa Raysal Wasaaraha Somaliland Cumar CAbdirashiid Sharmaarke u sheegay fikirkooda ah in la sii wada wadahadalada lagu midaynayo labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Madaxweynaha Wakhtigan hogaamiya Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa talada dalkaasi qabtay doorashadii dhacday bishii June 26, 2010, kaas oo ku dhawaaqay in aanu diyaar u ahayn inuu tartamo mar labaad, Waxaanu xaga hore soo dhigay Muuse Biixi oo uu u ogolaaday inuu u tartamo xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii afraad ee ka dhacda Somaliland, iyadoo sadexdii doorasho ee hore ay kala dhaceen 2003, 2010 iyo 2005 oo ahayd tii Baarlamaanka.

Tan iyo  1960s, markii badi wadamadii Afrika ay heleen hornimada, waxa jira laba waddan oo doortay inay ka go’aan dalkii ama khariiradii ay ka midka ahaayeen, waxaana kala go’ay dalalka

Eritrea iyo Ethiopia sanadkii 1993, halka sidoo kale ay kala Go’een dalalka Koonfurta Sudan oo ka go’ay Sudan sanadkii 2011.

Source: http://www.the-star.co.ke/news/2016/12/23/somaliland-pushing-for-reunion-with-somali-after-25-years-of-division_c1477941

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Nairobi  Kenyaciro97-jpg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here