Magacyada Afar Xildhibaan oo ka soo jeeda Somaliland oo maanta ku guulaystay xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya

0
476

afarMuqdisho (Qoryaalenews):- waxa maanta magaaladda Muqdisho lagu doortay afar xildhibaan oo kale oo beelaha Somaliland uga qaybgalaya aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha maanta la doortay waxa ku jira Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise oo difaacday xubinimadiisa Baarlamaanka.

Akhri magacyadda afarta xubnood ee la doortay iyo beelaha ay ka soo jeedaan:

  • Xuseen Carab ayaana si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursigaas, waxaana difaacday kursigiisa, waxaanu helay 47 cod.
  • Sidoo kale waxa Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Muuse Dhariyo ku guulestay Saciid Maxamed Maxamuud oo helay 43 cod.
  • Cabdirisaaq  Daahir Maxamuud, ayaa isaguna ku guulaystay kursiga aqalka hoose ee ardaaga Guullane ee Beesha Arab, waxaanu helay 49 cod. Waxaanu kursigaasi kaga guulaystay gabadh kula tartantay.
  • Biixi Iimaan Cigge, ayaa isna loo doortay xubinimada aqalka hoose ee  Beesha Ciidagale, jufada danwadago, waxaanu  helay 47 cod.

Mr Biixi ayaa horay ugu shaqeynayay Qaramada Midoobey, waana xildhibaan cusub oo ka mid noqonaya Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Afartan kursi waxay ka dhigaysaa kuraasida aqalka hoose ee beelaha Somaliland ee illaa imika la doortay 29 kursi, iyadoo ay dhiman yihiin 17 xubnood oo kalena.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Muqdisho Soomaaliya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here