Hargeysa(QYN):-Wasiirkii hore ee wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa axsaabta siyaasadda ugu baaqay in aan loollankooda siyaasadeed ku milmin qabyaalladu.

0
564

Wasiir Abgaal waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad ay xilka kulak ala wareegayeen wasiirkii hore ee Arrimaha bulshada iyo wasiirka cusub, waxaanu si weyn uga digay haddii ay xisbiyaddu ku sii socdaan siyaasadan qabyaaladaysan in laga dhaxli doono xaalad aan la mahadin.

Maxamed Jaamac Abgaal waxa uu xusay Somaliland inay soo martay Sooyaal dheer oo lagu dhisayo mustaqbalka Dalka, waxaanu xusay xukuumaddihii kala danbeeyey ee talada soo qabtay inay ka hirgaliyeen Ciidan Qaran, Calan, Lacag, Dastuur iyo Hanaanka xisbiyada badan, taasoou tilmaamay in loo baahan yahay in la sii kobciyo.

Abgaal waxa uu sheegay in Dhalinyarada Reer Hargeysa ee nasiibka u helay magaaladoodu inay Caasimad noqotaa aanay diyaar u ahayn nidaamkan qabyaaladaysan ee ay Xisbiyaddu siyaasadda u wadaan, sidoo kale-na waxa uu tilmaamay Reer Borama iyana inaanay lahayn garoomo lagu ciyaaro siyaasadda qabyaaladaysan.

Maxamed Jaamac waxa uu Reer Borama ugu baaqay ciyaarta lala dul yimi inaanay ahayn tii ay dhawaan ku guulaysteen ee goboladda sidaas daraadeed ay u baahan yihiin in lagala yimaado ciyaarta qabyaaladda ee aanay garanayn. Ugu danbayn Xisbiyada qaranka waxa uu ugu baaqay in ay dhisaan toban qof oo isku ujeeddo ah oo hadafkoodu aanu ahayn qabyaalad.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here