Xukuumada Somaliland Oo Guul Wax Ku Oola Ka Gaadhay Gogosha Nabadeed,Ee Madaxweynuhu U Fidiyay Gobolada SOOL,SANAAG Iyo BUUHOODLE

0
487

Xukuumada Somaliland,Oo Beryihii U Danbeeyay Dhaq Dhaqaaq Siyaasadeed Ka Waday Gobolada SOOL IYO Buuhoodle,Ayaa Guul Weyn Ka Gaadhay Soo Xaraynta Maleeshiyaad Tiro badan kuwaas oo hore looga buuxiyay Fekerka Khaldan Ee Cali Khaliif Ka Dhaadhiciyay Dadka Dega Deegaanadaas

Waxaana Iska Soo Daba Dhacaaya Beelaha Sida Weyn U Taageeraya Qaranimada Somaliland,Isla Markaana Gartay In Iyaga Iyo Somaliland Ay Yihiin Dadwada Dhashay Oo Aan Meelnaba Ku Kala Baaqsamayn

Beelo Aad U Tiro Badan Oo Bilihii U Danbeeyay Shirar Ku Kala Qabsaday Deegaano Ka Hoos Taga Gobolada Sool,Buuhoodle,Iyo Sanaag Ayaa Dhamaantood Waxaa Ka Soo Baxay Qodobo Lagu Cadaynaayo Inay Taageersan Yihiin Jiritaanka Qadiayada Somaliland, Waxaanay Xukuumada Somaliland Ka Codsadeen Turxaan Bixin Ka Dib In Deegaamada Ay Ka Soo Jeedaan La Gaadhsiiso Adeegyada Horumarka Ee Arimaha Bulshada

Taas Oo Xukuumada Somaliland Derder Gelisay Isla Markaana Bilawday Sidii Loo Horumarin Lahaa Deegaanadaas,Waxaana Ambalaceyo Ka Shaqayn Doona Dhanka Caafimaadka Ah Loogu Deeqay Qaar Ka Mida Deegaanadii Ay Ka Dhaceen Shirarka Gogosha Nabadeed Ee Turxaan Bixinta Ah Kuwaas Oo U Dhexeeyay Xukuumada Somaliland Iyo Qaar Ka Mida Beelaha Dega Gobolada Sool Sanaag Iyo Buuhoodle

Shirarkan ayaa Sidoo Kale Waxa Daba Socda Ciidan Beeleedyo Tiro Badan,Kuwaas Oo Ku Gaashaaman Saanad Milatary Oo Dhamaantood La Qaraameeyay Isla Markaana Xukuumada Somaliland Gacanta Ku Dhigtay,

Kuwaas Oo Horaantoodi Maalintii Shalay Soo Gaadhay Gobolka Saraar,Ciidankan Oo Tiradoodu Gaadhayso 262 Qof Ayaa Dhamaantood Lagu Wareejiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Aaga Barri
Sidoo Kale Waxaa La Filayaa Ciidamo Kale Oo Soo Gaadha Gobolada Kuwaas Oo Dhamaantood Ka Soo Goostay Maleeshiyaadka Cali Kahiif

Xukuumada Somaliland Ayaa Si Weyn Ugu Suxul Duuban Sidii Ay Uga Midha Dhalin Lahayd Wadahadalada Ay La Fureen Kooxda Khaatumo,Iyaga Oo Si Weyn Ugu Dhegtaagayaan Wada Hadaladaas Bulshada Somaliland Iyo Beesha Caalamkaba

Xukuumada Uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Somaliland,Oo Ay Ka Go,antahay Midaynta Dadweyanaha Reer Somaliland Ee Ay Siyaasiyiintu Kala Jajabiyeen Ayaa Waxay Ka Gaadhay Guul Wax Ku Oola,Waxaana La Filayaa Inay In Dhowaan Xukuumada Somaliland Ay Soo Dabar Jarto Khilaafyada Is Maandhaafsan Ee Ay Wadaan Siyaasiyiinta Ka Falaagawday Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here