Dalka Suuriya Oo Lagu Soo Riday Diyaarad Dagaal Oo Uu Ruushku Leeyahay.

0
495

Diyaarad militari oo nooceedu uu ahaa helicopter, ayaa waxaa maanta lagu soo riday Magaalada Aleppo, ka dib markii lala beegsaday gantaal dhulka laga riday.

Kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Madaxweyne Bashar al-Azzad, ayaa iyagu soo bandhigay muuqaalo muujinaaya burburka diyaaradaasi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa waxay xaqiijisay in diyaarad nooca qumaatiga ah looga soo riday Magaalada Aleppo, wax yar uun ka dib markii ay ka soo laabatay deeq bani’aadanimo oo ay gaarsiisay.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda, ayaa waxaa lagu sheegay in shan qof oo la socotay diyaaradda, ay dhammaantood ku dhinteen burburkaasi.

Diyaaradda la soo riday waxaa saarneyd saddex shaqaale iyo laba Sarkaal oo Militariga Ruushka ka tirsan, sida lagu sheegay qoraalka.

Magaalada Aleppo oo dhacda Waqooyiga Suuriya, ayaa waxaa ku xoogan dhaq dhaqaaqyada hubeysan ee ka soo horjeeda Xukuumadda Damasbus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here