War Deg Deg Ah Xukummada Somaliland oo Hadda Goor Dhoweyd Sii Daysay Xildhibaan Maxamed Canjeex iyo Ciidamo Kale oo Ka Tirsana Maamulka Puntland oo Dagaalki Dhahar Lagu Qabtay

0
503

War Deg Deg Ah Xukummada Somaliland oo Hadda Goor Dhoweyd Sii Daysay Xildhibaan Maxamed Canjeex iyo Ciidamo Kale oo Ka Tirsana Maamulka Puntland oo Dagaalki Dhahar Lagu Qabtay

Dowladda Somaliland ayaa waxay xorriyaddiisii dib ugu usoo celisay Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada Maamulka Puntland  Dowladda Somaliland ayaa waxay xorriyaddiisii dib ugu usoo celisay Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada Maamulka Puntland – kaasi oo lagu qabtay dagaal Ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan degmada Dhahar. Xildhibaanka oo xorriyadiisa kaddib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in muddo 12-cisho ah uu ku xidhnaa Xabsi ku yaalla magaalada Ceerigaabo, isagoo xusay in siidayntiisu ay ku timid wada-hadal dhex maray Puntland iyo Somaliland – kaasi oo ay qayb ka ahaayeen odayaasha dhaqanka. Xildhibaan Canjeex ayaa waxa kale oo uu sheegay muddadii uu ku sugnaa Somaliland gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo uu ku xidhnaa in loola dhaqmay si aad u wanaagsan, isla markaana masuuliyiinta iyo shacabka Somalilandba uu uga mahadcelinayo sida ay ula dhaqmeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here