“Shaqooyinkeena Dawladda Waxa La Shaqeeyaa Shan Saacadood Oo Kaliya” Aqoonyahan Maxamed Cali Bille.

0
527

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, ayaa ka hadlay doorka hoggaaminta wanaagsan ay ku yeelan karto horumarinta iyo kobcinta dhaqaale ee dalka, gaar ahaan waxa uu xusay in haddii hoggaamiyayaashu dejistaan jid amma istaraatijiyad wanaagsan ay horumar gaadhsiin karaan ummadooda.

IMG_454427-82DB96-107400-8B7794-1249D1-454619
Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo Bandhiga Buuggaagta Hargeysa ka jeediyey khudbad ku sabsan doorka hoggaamintu ku leedahay dhismaha iyo horumarinta qaran ayaa sheegay in hoggaamiyuhu yahay ka dawladdaha is dhaafiyey, isla markaana dawladdaha qaar ka dhigay inay horumaraan dawladdaha qaarna la hadhay, isaga tusaalayaan u soo qaatay dalal guulaystay oo ay hoggaamiyeyaashoodu sabab u ahaayeen iyo dalal fashilmay oo hoggaamiyeyaashoodu fashilkiisa sabab u ahaayeen.
“Marka hoggaamiye laga hadlayo waxa dadka qaarkood maskaxdooda ku soo deg degaysa Madaxweyne, balse inaynu munaasibadan isugu nimaadnaaba hoggaamin ayey u baahan tahay oo qof kasta oo inaga mid ah waxa uu jecel yahay horumar, balse waxa kala duwan wadada loo marayo horumarka, kaasi oo qofna keenaysa inuu horumarkii uu doonayey ku guulaysto qofna uu ku guulaysan waayo. Maxay yihiin waxan shakhsi kasta, shirkad iyo dawlad horumar u gaadheen, waxa weeyi inay qolo kastaa dhigato Istaraatijiyad ay ku horumaraan, taasi oo ah waddada ay u marayaan horumarka, waxaad u fiirsataa dawladdaha dunida qaarkood ayaa waxa ay ku faanaan oo ay wakhti badan galiyaan Ciidamada, halka qaarkood isku haleeyaan kaydka dalkooda ku jira sida macdanaha, shidaalka iyo wixii kale ee la midka ah, waxaad u fiirsataa dalkii Soofiyati waxa uu ahaa dalal isku tagay oo ka Injineero iyo dhakhaatiir badnaa Mareykanka, balse hoggaan ayaa halkaa dhigay, haddii dhaqaale iyo horumar ayaa meel lagu gaadhaa is leedahay u fiirso Liibya, Nayjeeriya waa wadamada u dhaqaalaha iyo dadka badan Afrika hadana halkay marayso eeg, dhinaca hoggaanka iyo sida uu dal meel u gaadhsiiyo eeg Rwanda oo loo yaqaanay wuxuushtii Afrika iyo Itoobiya oo shalay halkay maraysay aad ogayd labaduba maanta waa kuwa aduunka ugu dhaqaale koboca badan”.

“shaqooyinkeena dawladda waxaad moodaa Bayshan lagu qaato mushaharka oo gabigeedaba waxa la shaqeeyaa shan saacadood,” aqoonyahan Maxamed Cali Bille.
Bille oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Tusaalayaashan waxa aynu u soo qaadanaynaa dhaqaale aynu helno iyo wax la mid ah waa waxa aynu is odhan karno waa lagu horumari karaa, balse mararka qaar ay mushkilado yihiin, haddii aynu tusaale u soo qaadano wadanka Urdun oo la jaar ah Ciraaq iyo Suuriya oo wadamada ugu dhaqaalaha badnaa Carabta ahaan jiray, iyagu may lahayn wax dhaqaale ah iyo wax soo saar kale, balse wadankaasi Injineeradiisa iyo Dhakhaatiirtiisa waa kuwa ugu badan ee la qaato waxaana ku yaala dhawr iyo sodon Jaamacaddood, halkaana waxa gaadhsiiyey hoggaamiye, haddii aad ku mar marsoon lahayd Mareykan ayaa dabada ka riixay oo kuwa kale bur buriyey, dee hoggaamiyuhu waa ka dalkiisa cidda dhisaysana la heshiiya cidda duminaysana ka ilaaliya”.
Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo qeexid ka bixinaya hoggaaminta ayaa waxa uu yidhi “Haddaba waxa isweydiin leh maxaa wadamada qaarna la hadhay wadamada qaarna horumariyey, waxaan odhan karaa waxa keenaa waa hoggaamiyaha oo hoggaamiyaha wanaagsani waa qof aragti wanaagsan leh, hoggaamiyuhu waa inuu garanayaa halka loo socdo, sidoo kale hoggaamiyuhu waa inuu leeyahay karti uu kaga dhaadhicin dadka waxa uu doonayo inuu sameeyo, waana inuu hoggaamiyuhu karti u leeyahay inuu soo xusho dadkii hawsha uu qabanayo la fulin lahaa iyaga oo la rumaysan mabda’a uu aaminsan yahay in qaran lagu horumarinayo waana inuu leeyahay Istaraatijiyad, hoggaamiyuhu waa inuu qaadaa masuuliyadda ugu dambaysa ee guul iyo guul darraba, tayooyinka hoggaamiyuhu waa mid kaliya kaasi oo ah go’aan qaadasho”.
Maxamed Cali Billi oo ka hadlayey Hoggaaminta iyo Somaliland, gaar ahaan dhinaca shaqo abuurka iyo dhaqaale kobcinta, waxaannu yidhi; “Haddii aynu Somaliland u soo noqono waxa jira qodobo badan oo loo baahan yahay in go’aan laga qaato, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sannad kasta waxa jaamacadaha ka soo baxa ardey tiradoodu ka badan tahay toban kun, waxa loo baahan yahay inuu hoggaamiyuhu go’aan qaato uu shaqo ugu abuurayo. Miisaaniyadeennu sannadkii waa laba boqol oo milyan, haddii aynu si kasta u sii kobcino waxba ma qabanayso, balse waa in lagu talo galo in la sameeyo fursado shaqo loogu abuurayo. Sidoo kale Jaadka waxa inagaga baxa boqolaal milyan oo dollar, sidoo kale waxa aynu u gaynaa lacag kaash ah waa laba dhibaato oo ina haysta waxa loo baahan yahay in go’aanka la qaato oo loo bandhigo sidii ay wax inagaga bedelan lahaayeen mar kasta waa la sheegaa sida Kalluunka, Sibidhka iyo Milixda, balse waxa loo baahan yahay in go’aankaasi la qaato”.
“25 sano ayeynu ictiraaf raadinaynaa miyaan laga go’aan qaadan Karin in xal wadooyinkii ka horeeyey aan ahayn la raadiyo, sidoo kale shaqooyinkeena dawladda waxaad moodaa Bayshan lagu qaato mushaharka oo gabigeedaba waxa la shaqeeyaa shan saacadood waxaad moodaa in dadka lagu raali galinayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa inaanay raali galin iyo horumar doon meel wada galin” ayuu Aqoonyahan Maxamed Cali Bille.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here