Maamulka Puntland Oo Ciidamo Soo Dhoobay Deegaano Kamidaa Gobolka Sool Iyo Bariga Sanaag + Ciidamada Qaranka Oo Difaac Adag Ku Jira.

0
642

Warar naga soo Gaadhaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in shalay Galinkii Danbe ay Maamulka Puntland ciidamo usoo direen Deegaanada Gobolka Sool iyo waliba Deegaano Sanaag Bari ka Tirsan.

Waxaana ciidamadani xalay sida naloo sheegay mar qudha lagu war helay iyagoo dhex maraya degmada xudun oo dhanka waqooyi ka xigta Magalada laascanood iyo waliba deegaano kale oo gobolka sool ka tirsan.Sidoo kalena waxay maamulkani sida naloo sheegay ay ciidamo u direen deegaanada bariga gobolka sanaag ee diiwaangalintu ka socoto.
Ciidamada qaranka Somaliland ayaa iyagu difaac adag ku jira tan iyo markii dhawaan weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland xarun ciidan oo ay ciidamada qaranku ku leeyihiin deegaanada bariga sanaag, iyada oo halkaasina ay labada ciidan dagaal ku dhex maray.
Ciidamada qaranka Somaliland ayaa sida naloo sheegay wali gacanta ku haya 8 maxbuus oo askar ah oo uu ku jiro nin xildhibaan ah oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland iyo 3 gaadhi oo kuwa dagaalka ah.
Maamulka Puntland ayaa iyagu waxay wadaan qorshayaaal ay damacsan yihiin inay ku carqaladeeyaan diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka socota gobolka Sanaag iyo waliba diiwangalinta la filayo inay dhawaan ka bilaabmato gobolka sool. Dhanka kale waxa laga cabsi qabaa in mar kale dagaal dhex maro ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here