Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Wajahaaya Dagaal Laba Geesood Ah Iyo Farogelinta Xukumada Xamar.

0
375

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Wajahaaya Dagaal Laba Geesood Ah Iyo Farogelinta Xukumada Xamar.

Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan goboladda Barriga Somaliland ,gaar ahaana gobolka Sool iyo Sanaag ayaa heegan buuxa ku jira,iyada oo ay maalmihii lasoo dhaafay daan daansi ka wadeen degaanada Sanaag Barri Maleeshiyaadka maamulka Puntland ee Somaliya.

Ciidamada Somaliland ayaa dhirbaaxo ay kazoo kabsan waayeen ku dhuftay ciidamada maleeshiyaadka ahaa ee Puntland usoo dirtay degaanka Barriga Sanaag,kuwaas oo laga qabtay gawaadhi ciidan oo saddex gaadhaysa iyo lix askari ,waxa kale oo isna gacanta lagu dhigay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland.

Wixii intaasi ka dambeeyey waxa magaalooyinka maamulkaasi Puntland ka socday abaabul ay wadaan dumarka magaalooyinkaasi ku dhaqan iyo kooxo siyaasiyiin ah,kuwaas oo ku baaqaayey in la dagaal galo,inkasta oo aanu u jeedin arrimahaasi maamulka halkaasi ka dhisan,madaama oo uu weerarkaasi ku fashilmay.

Ujeedada weerarkaasi ayaa ahaa sidii ay isugu deyi lahaayeen joojinta Diwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka socota gebi ahaanba gobolka Sanaag,taas oo noqotay mid ay ku guulaysan waayen,iyada oo ciidamada Qaranku meel walba joogaan.

Weerarkaasi oo fashilmay kadib waxa uu maamulka Madaxweyne Gaas ka quusan la’yahay sidii uu u khal khal gelin lahaa goboladaasi Sool iyo Sanaag Barri,iyada oo gobolka ku xigaa ee ay ka bilaabmayso diwaangelinta diwaangelinta codbixiyeyaashu,waxaana jira warar hoose oo ay heshay shabakada Caynabanews ,kuwaas oo sheegaaya in ay maamulka Puntland doonayaan inay goobo gobolka Sanaag kamid ah ay soo weerarto.

Iyada oo ay sidoo kale jirto dawlada Somaliya oo iyaduna wada qorshe ay doonayso inay ku fashiliso diwaangelinta gobolka Sool,iyada oo qorshahaasi u adeegsanaysa kooxda Khaatumo Seeg ee dhuumalaysiga ku joogta gobolka Buuhoodle iyo agagaarkiisa.

Dhanka kalena ciidamada Qaranka ayaa ku jira heegan buuxa,iyaga oo u diyaarsan inay dhirbaaxo kulul ku dhuftaan cid kasta oo isku dayda inay nabada dalkan dibada kaga soo duusho am acid kasta oo loo adeegsado faro faraynteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here