Xarun Ganacsi Oo Magaalada Munich Ee Dalka Jarmalka Oo Weerar Lagu Qaaday Iyo Wararkii U Danbeeyay+SAWIRRO

0
419

Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa caawa waxaa ka taagan jahawareer iyo argagax, iyadoo ciidamada Booliska ay baadigoob ugu jiraan dabley hubeysan oo weerartay xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada Munich.
000000000000000000000000000000000000000000003 00000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000001 0000000000000000000000000000000000000002 0000000000000000000000000000000000000006

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ruux ay dhinteen toban kalana dhaawacyo ka soo gaareen rasaas la sheegay inay ku fureen saddex ruux oo hubeysan xarun ganacsi.Hawlgalo ay boolisku ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa uu ka socdaa weli halka loo yaqaan Olympic Park ee magaalada Munich iyo wadooyinka u dhaw dhaw.
Ciidamada ayaa waxaa ay uga digayaan dadka inaysan dibadda u soo bixin ayna ka fogaadaan meelaha dadka ay isugu yimaadaan iyagoo ciidamada Booliska aysan garanayn halka ay ku sugan yihiin dableyda weerarka geysatay.
Weerarkan ayaa ah kii saddexaad oo muddo siddeed maalmood gudahood ah ka dhaca dalalka Galbeedka Yurub,waxaana weeraro ay ka dhaceen dalalka Faransiiska iyo Jarmalka iyadoo weeraradaana ay sheegteen inay mas’uul ka ahaayeen ururka IS.
000000000000000000000000000000000000000000000000000009 0000000000000000000000000000000000000000000000000000000888 00000000000000000000000000000000000000888 000000000000000000000000000000777 0000000000000000000000000000000088

Booliska magaalada Munich ayaa sheegay inay u malaynayaan in uu weerarkan ahaa mid argagaxiso iyadoo wararkana ay sheegayaan in uu weerarkan ka dambeeyay hal ruux halka warar kalana ay sheegayaanin ugu yaraan saddex ruux ay yihiin dadka weerarka geystey.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada jarmalka hase yeeshee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu arkayaa agagaarka iyo xarunta uu weerarkan ka dhacay ee magaalada Munich. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here