Turkiga Oo Ka Hadlay Sida Uu Arko In Hay’adda Nile Acadmey Ka Sii Shaqaysi Somaliland Iyo Halka Ay Ku Dambeeyeen Wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia

0
442

Dawladda Turkiga ayaa ka hadashay sida ay u aragti in hay’adda Nile Academy ay ka sii shaqayso somaliland iyo waliba halka ay marayaan wadahadaladii Somalilland iyo Somalia.

C1B884C7-246E-47D0-AD6F-7D8651CD8F65_cx0_cy15_cw0_w987_r1_s_r1
Qunsulka Hargeysa u fadhiya dawladda Turkiga oo shir jar’aaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa wax laga waydiiyey sida ay dawladda Turkigu u arkayso in dugsiga uu mulkiyadiisa leeyahay wadaadka lagu sheegay inuu ka dambeeyey afgamibii Turkiga uu ka sii shaqeeyo Somaliland ayaa shegay inay arrinkaasi xukuumadda Somaliland kala hadleen oo ay ka sugayaan go’aankii ay ka qaadan lahayd, waxaana uu safiirku yidhi:
“waanu la xidhiidhnay oo aanu ku wargalinay dawladda Somaliland iminka waxaanu sugaynaa go’aankeeda haddii ay rabaan xog intas ka badana diyaar ayaanu u nahay inaanu siino, Somaliland ayay u taalla balse aan ku xasuusiyo tani waa ficil aad sir u ah la dagaalan iyo ka hor tag argagixiso dhinac waa koox la yidhaahdo kooxda argagixisada iyo dhinaca kale oo ah dawladda Turkiga iyo xukuumadda, balse waanu qadarinaynaa go’aan kasta oo Somaliland ka gaadho waanu la xidhiidhnay waananu sugaynaa”
Sidoo kale qunsulka ayaa wax laga waydiiyey halka ay ku dambeeyeen wadahaladii uu Turkigu martigaliyaha ka ahaa ee u dhexeeyey labada dal ee Somaliland iyo Somalia waxaana uu qunsulku sheegay inay wadaxaajood yadaasi dib u bilaabmi doonaan marka ay labada dhinacba ka baxaan doorashooyinka ay galayaa, waxaana uu yidhi:
“tani iyo bishii November waxanu bilawnay inaau wada jir uga shaqayno arrinkan, dib u cusboonaysiino wadahadalada Turkiguna wuxu u gudbay dhex-dhexaadiye maaha kaliya fudaydiye, dawladda Turkiguna wuxuu arrinkan u magacaabay safiir wuu la wareegay wuna waraystay labada dhinac balse nasiib darro kadib doorashooyinka ka dhici doona Somalia iyo kuwa halkan ka dhici doona ayaanu wadahadalka ka bilaabi doonaa Turkiga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here