Masciideed Saqiir Ah Oo Kala Fogeeyey Warbaahinta Iyo Xisbiga WADDANI Kana Dhigay Gardaro Garab Og 0

0
455

Masciideed Saqiir Ah Oo Kala Fogeeyey Warbaahinta Iyo Xisbiga WADDANI Kana Dhigay Gardaro Garab Og 0 Masciideed Saqiir Ah Oo Kala Fogeeyey Warbaahinta Iyo Xisbiga WADDANI Kana Dhigay Gardaro Garab Og Fiinta oo dhex miranaysa Xisbiga WADDANI iyo Warbaahinta xogo soo ifabay oo muddoba huursanaa ayaa diiradda saaraya khilaaf curdan-dhadhiyey waaxdda warfaafinta Xisbiga WADDANI iyo Hayaddaha warbaahinta dalka kaas oo salka ku haya Saqiirka waaxdda warfaafinta u qaabilsan xisbiga oo Lagu Magacaabo Cabdikariin jeeni. ayaa sabab unoqdey kala fogaanshaha warbaahinta Iyo xisbiga ka dib markii uu maroorsadey awoodii waaxdda Warfaafinta una gacan dhaafey masuulkii Digreetada Horjoogaha waddani diranaha ugu ahaa. gardarada garabka og ee Saqiirka waaxda ayaa qaybka ah xubno masciideed ah oo abtirsiin adeernimo ku maamula xisbiga isla markaana ka xigtaysta xubnaha ku jira dhamaanba xisbi weynaha WADDANI. xubin ka tirsan xisbiga oo ka gaabsadey in magaciisa la baahiyo sababo la xidhiidha amni daro soo wajahda iyo waayida xubin nimada xisbiga dartiis ayaa wargeysaka SAHAN u sheegay sababha kala irdheeyey xisbiga iyo warfidiyeenada oo xidhiidh dhow lahaayeen hogaanka xisbiga isagoo sharaxaad ka bixinaya wuxuu yidhi. “walal waxaa jira cabasho balaadhan oo xisbiga iyo warbaahinta udhaxaysa iyo waliba kala xigteysi ka dhexjira xisbiga waaxda warfaafinta oo loo igmadey cabdirashiid xasan mataan waxaa ku leexaysanaya ku yar oo gudoomiyaha xisbigu adeer u yahay oo lagu magacaabi jeeni ninkaasi waa nin garabka ku haya adeerkii xisbigii wuu qasay imika cabdirashiid xasan mataan wuu iskaga magacaaban yahay uun ninka meesha qasa ee warbaahinta kala xigtaystaana waa ninkaa heer wuxuu gaadhay inuu madaxda xisbiga kala xusho oo takoor ku sameeyo waxaa jira warar intuu ka qoro gudoomiye ku xigeenka xisbiga axmed muumin seed oo lagu maagayo inuu warbaahinta gaar ahaan websiteyada u qaybiyo hadhowna adeerkii oo gudoomiyaha xisbiga ah ku dhaha Ninkan Baad hoosta ku haysataa” xubintan xisbiga ka tirsan ee ka shifay siro badan oo daah bulshada ka saarnaa ayaa ku dheeraadey masciideed nimada sabiga adeerkii ku sooray waaxdda waxaana isagoo hadalkiisa siiwata yidhi. “waxaa jiray shirar badan oo kala dambeeyey oo xisbiga iyo warbaahintuba la gashay gudoomiye cabdiraxmaan cirro warbaahintu dhawr shir bay gudoomiyaha la gashay cabsho badana wey soo jeediyeen iyagoo inta ugu badan diiradda saaraya habdhaqanka waaxdu ula dhaqanto oo ay usibir saareen inuu masuul ka yahay cabdirashiid jeeni gudoomiyuhu wuxuu ka balan qaadey inuu arrimahaa wax ka qabanayo balse ilaa hada oo ay soo noq-noqdaan waxba kama qaban oo waa gardaro garab og, waxaa iyaguna jiray sidaan xaga horeba ku sheegay shararkaas oo xubnaha xisbiga ku jiraa ay gudoomiyaha kala shireen in ninkan xisbiga qaribay laga badalo oo ilayn adeer buu uyahay gudoomiyuhuye oo waa ardaagiisii oo ka tagimaayee meelahaa wax ku siiyo cabdiraxmaan cirro taas dheg –jalaq umasiinin ti waxaaney sabab unoqotay in masuuliyiin badani xisbiga xamamtooda ka uruursadaan gudoomiyuhu muu garan waayin inuu waaxdda keeno inan beelaha kale ee somaliland ah ee sida dhisitaanka xisbiga ka muuqata ee xubnaha ardaagiisa gacanta ugu jiraan bay qayb ka tahay waana mid cunsurinimo eex ardaa horseed unoqonaysa” arbeedkan cabashadiisu kusoo noq-noqotay hogaanka xisbiga ayaa xididada usiibaysa xidhiidh toos ah iyo wada shaqayn dhex marta warbaahinta iyo Xisbiga Mucaaradka ah Ee WADDANI. Xigasho:-SAHAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here