Hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowlada Kenya ay dil u geysteen dad rayid ah oo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 34 qof oo ay ciidamada Amaanka Kenya ay xireen la waayey meel ay ku danbeeyeen, dadkaasi rayidka ah oo aan lagu cadeyn wax danbi ah ayaa la rumeysan yahay inay dileen ciidamada dowlada Kenya.
Warbixintan Human Rights Watch shaacisay Salaasadii ayaa lagu sheegay in 2dii sano ee lasoo dhaafay ciidamada amaanka Kenya ay dilal u geysteen dad lagu eedeeyey inay yihiin Al Shabaab oo u badan Soomaali, kadib hawlgalo ay ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada caasimada ah ee Nairobi iyo waliba gobalka Soomaalida degto ee Waqooyi Bari, Kenya.
“…Shacabka Soomaalida ah ee ku nool Waqooyi Bari Kenya, waxay xaq u leeyihiin in laga difaaco weerarada Al shabaab, balse maaha in dhibaato horleh ay Dowlada u geysato dadkaasi…” ayuu yiri Madaxa Hay’adan Mr.Ken Roth oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Nairobi.
Hay’adan xaquuqul Insaanka ayaa sheegtay in baaritaan socday 8 bilood ay ka sameesay magaalooyinka Nairobi, Garissa, Wajeer iyo Mandheera oo ay ka dhaceen gaboodfaladan lagu eedeeyey ciidamada dowlada Kenya.
Askar afka uduuban yahay ayaa la sheegaa inay guryaha ugu dhacaan dadka shacabka, halka ciidamada amaanka ay sidoo kale wadooyinka jirdil ugu geystaan dadka rayidka, waxaana usii dheer dilalka lala beegsanayo dadka aan wax maxkamad ah lasoo hortaagin.
Falalkan ayaa intooda badan lagu eedeenayaa inay geystaan ciidamada loogu magacdaray ka hortaga argagaxisada ee loo yaqaan; Anti-Terrorism Police Unit (ATPU).