Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in howl gallo si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah uu ka dhacay duleedka Kismaayo. M320_40mm_grenade_launcher_module_GLM_United_States_US_Army_defence_industry_military_technology_001 Howl galkan oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa ciidamada huwanta waxay ka fuliyeen deegaanka Buulo Gaduud iyo deegaano ku dhow dhow, halkaasoo saldhigyo ay ku lahaayeen Kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaa ku daraya in howl galkan ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters. Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa laga soo xigtay in howl galkan lagu bur buriyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo, isla markaana lagu dilay illaa 10 dagaalyahan. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiic iyo rasaas xooggan oo ka dhacayay deegaanada lagu dagaalamay. Ciidamada Kumaandooska dowladda oo taageero ka helayay kuwa Mareykanka ayaa horay weeraro qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay inuu bilaaban doono Jubbooyinka howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo howl galkan la sheegay in ciidamada dowladda ku taageerayaan Ciidamada AMISOM iyo dalal saaxibo la ah.