Xukuumada Somaliland Oo Si ADAG Ugu Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Garabka Is Bahaysiga Xisbiga Kulmiye
Xukuumada Somaliland Oo Si ADAG Ugu Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Garabka Is Bahaysiga Xisbiga Kulmiye Wasiiru dawlaha wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland mudane cabdirashiid riyo-raac ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay afhayeenka isbahaysiga KULMIYE xuseen axmed caydiid kaas oo salka ku yahay eedo uu madaxweynaha usoo jeediyey
kuna dhaliilay hogaan la,aan dalka haysata sida uu hadalkiisa ku tiraabay. Wasiiru dawlaha xanaanada xoolaha oo luuqad adag kaga jawaabay hadalka afhayeenka ayaa wuxuu yidhi.
”Marka hore afhayeenka wuxuu ku hadlaa afka cida uu u yahay afhayeenka dhaleecaynta uu bixiyey waxay ka turjumaysaa garashada BARAKACAYAASHA siyaasadda ee uu ka midka yahay waa ragii shalay Madaxweynaha garbaha u ahaa waana ragii shanta sano mu,aamarada iyo dib u dhiga doorashada ka shaqaynayey waana kooxda maanta iyagoo shan sano wasiir ahaa kala garan la waajibaadka dawlada ee xukuumada ku eedeynaya saami qaybsiga wakiilada.
Saami qaybsiga wakiilada waxaa leh xisbiyada qaranka iyo golaha shacabka Ee wakiilka ka ah shacabka. Xukuumadu waa fulin marka ay fulin weydo xisbiyada qaranka iyo wakiiladu ku heshiiyeen waa lagu eedeyn karaa balse rag waaweyn oo siyaasiyiin sheeganaya looga wanaagsna inay gudcur gudaan waase gartood markii madaxweynu saamaxay Ee dambiyadii ay qaranka ka galeen saamaxay.
waxaan leeyahay BARAKACAYASHA siyaasada dalka qaybihiisa kala duwan ayaa idinka raystay dhaqaalihiisii, taladiisii iyo sharciyadiisii, waxaan leenahay shacbiga been lagama iibin karo caybaanay ku tahay in maalinba qofku siduu doono wax loogu soo gudbiyo garashada shacbiga ayaa la caayayaa.
Afhayeenkoodu waa ninkii aqbalay magacaabista Ee ku hambalyey markuu is casilaynay ceebta ka dhigay amaana isku moodey inuu yidhaahdo idaacadaan umarinayaa waxaan odhan karaa nin siyaasadiisa iyo hankiisa cid kala tashada talo cid kalena isku casiley waa ninkii odhan jiray madashu wax jira maaha oo xisbi kuma biiri karaan iyagoo magaca madasha sita ee qof -qof bay xisbi ugu biiri karaan.
Wasiir Riyo-raac ayaa fasir shaafinaysa quluubta shacbiga ku sharaxay hadalkii deelqaafka ahaa eek a soo yeedhay Horjoogaha BANFADHIGA Ee Ka Falaagowdey xisbiga KULMIYE waxaana uu yidhi.
”Maanta halkii isagaa taagan barakacayaashu maanta qof – qof bay xisbi ugu biiri karaan oo waa dambiilayaal qaran. Sidoo kale wuxuu ahaa wasiirkii u olalaynayey in doorashadu dib udhacdo hadii duruufi keento maanta isagoon cadeyn ciduu ka mid yahay iyo xisbi uu ka mid yahay midna cadeyn buu doorashada ka hadlayaa.
Isagoon garanayey wadadii uu umari lahaa ka hadalkeeda iyo marinkeeda, waxaan u arkaa barakacayaasha sidaasadu waxay ahaayeen nin gurigiisa ka guurey guri kale kuma nagaado, (Hooyadii ka Guure Habar-yartii kuma nagaado” wasiir cabdirashiid ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay ku biiritaanka aan ilaa hada cadeyn isbahaysiga iyo WADDANI waxaana uu sifeeyey sababta curdan-dhadhisay mawqifkooda.
WADDANI waa xisbigii ay caayi jireen waddani wuu ku danaysan karaa balse nabaradii iyo hantaaqooyinkii ay u geysteen wey u taalaa waxaan isleeyahay in arintaa ay ka heshiin karaan hadana hadii talada waddani u badato inay awrkooda ku kacsadaaan waa niman markasta isbaaro ay iyagu dhigeen utaalo ay ka mid tahay dhibti,i abaal daradii ay xisbigooda iyo xukuumadooda oo u noqonaysa min qiysaas lagu qiiman karo iyo qardoofooyinnkii iyaga iyo WADDANI uyaala.
Manoqonayo mid midha dhala. Barakucu wax badan buu ubaahan yahay raganina waxay ubaahan yihiin Cid Dib-Udejin Usamaysa.