Dawladda Jabuuti, ayaa Dawladda Itoobiya u fasaxday in Ciidammadeedu dhex maraan isla-markaana Weerarro kaga qaadaan Dalka Eratariya oo Xuduud la leh Itoobiya iyo Jabuutiba, sida uu sheegay Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti.
Warka-Jabuutu-1
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee USN Cumar Cilmi Khayre, ayaa sheegay in dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya ku heshiiyeen in ciiddamada Itoobiyaanka ee dagaalka kula jira Ereteriya ay ka galaan waddankaasi dhulka Jabuuti.
Guddoomiyuhu, waxaa kale oo uu sheegay inaan loo baahnayn in dawladda Jabuuti ku dhex millanto colaadaha ka jira Geeska Afrika oo aanay cidna ku taageerin dagaal ay kula jirto dalka kale isla-markaana aan la dhex gelin collaada ka dhaxeysa Itoobiya iyo Ereteriya.
“Dawladda Jabuuti waxay oggolaatey in ciiddamo Itoobiyaan ahi soo maraan Jabuuti oo ay Eretariya Xadkeena ka galaan, Waxaan leenahay labadaasi dal haddii aynaan lahayn awood aan ku dhex galno oo arrimahooda ku kala qaboojino mid yaynaan garab siinin”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga USN Cumar Cilmi Khayre oo Saxaadda la hadlayey Shalay.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku daray “In Jabuuti, Itoobiya la safato oo Eretariya ka hiillino xaq uma lihin, Inaan Ereteriya la safanaana xaq uma lihin ee si aanay nabbadeena Cabsi inooga galin aan arrimaha ka dhaxeeya labadaas dawladood dhex ka ahaano oo laba midna yaynaa gacan siin, yaan waddamada Jaarka ah Colaad la inoo galin”
Go’aankan ay dawladda Jabuuti qaadatay ayaa la filayaa inuu sii xumeeyo xidhiidhkii Jabuuti iyo Ereteriya oo aan markii hore fiicnayn, xidhiidhkaasi oo xumaaday kadib markii dagaal maalin socday dhexmaray Labada dawladood ee Jabuuti iyo Ereteriya.
Dagaalkaasi waxaa jabuuti kaga dhintay Boqol askari halka lagaga qabtay Maxaabiis tiro badan balse markii dambe dawladda Ereteriya waxay maxabiistaasi cafis u fidisay doorashadii Bishii April lagu Doortay Ismaaciil Cumar Geelle, inkasta oo Warar kalena sheegeen in Dawladda Qadar hab Diblumaasiyadeed Maxaabiistaasi uga soo deysay Eretariya.