“Maareeye Ahaan Waxan Ku Shaqeeyaa Siyaasada Madaxtooyada Somaliland Mana Jiro Khilaaf Ka Dhex Jira Madaxtooyada Iyo Dekeda Berbera”

0
585

“Maareeye Ahaan Waxan Ku Shaqeeyaa Siyaasada Madaxtooyada Somaliland Mana Jiro Khilaaf Ka Dhex Jira Madaxtooyada Iyo Dekeda Berbera”
0

Maareeyaha Guud Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor-xoor), waxa uu jawaab ka bixiyay in Siyaasada Maamulkiisa ee Dekedda Berbera

Warsaxaafadeed uu arintaasi kasoo Saarey Eng Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor-xoor)Maareeyaha Dekedda Berbera oo uu kasoo saarey Xafiiskiisa Magaalada Berbera isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa Sidan:

“Waxa Layaab Nagu noqotey Warka Been Abuurka ah ee uu Baahiyey Wargeyska Geeska Afrika (Maanta) shaley. Waxaanu cadeyneynaa in Warkaasi uu yahay Mid Xaqiiqda kafog Oo Aan Jirin.

Habayaraatee Aanay Waxba ka jirin Aniga Oo Ah Maareeyaha

Dekeda Berbera iyo Madaxtooyada JSL kama dhex jiro Wax khilaaf ah.Waxaane Dekeda Berbera Hoostimaadaa Wasaarada Madaxtooyada Somaliland.
Maareeye ahaan Waxaan ka mid ahay Xukuumadda Waxaan ku shaqeeyaa Siyaasada Dawladda Somaliland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Ahmed Siilaanyo.

Waxaan Kula Talinayaa Wargeyska Geeska Afrika In uu Ka Waan toobo Wararka Been Abuurka ah iyo Kutidhi kuteenka ah ee uu Bulshada Ku Khalkhalgalinayo.”

Allaa Mahad Leh

Maareeyaha Dekeda Berbera,

Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here