Madaxwaynaha Somaliya Oo Sheegay In Rajo Wanaagsan Uu Ka Qabo In Uu Markale Dalka Somaliya Xukumo

0
373

Iyadoo Dhawaan dalka la filaayo inay ka dhacdo Doorashada xilka Madaxtinimada Somaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Waqtiga Shaqada Xafiiskiisa uu yahay mid gabo gabo ah, waxa uu rajo ka muujiyay mar kale inuu hogaamiyo Somaliya.
Wareysi uu siiyay Tv-ga Universal ayuu Madaxweynaha Somaliya wuxuu sheegay rajada uu ka qabo hogaaminta dalka mar kale inay tahay mid wanaagsan, maadaama sida uu sheegay uu aaminsan yahay inuu wax wanaagsan u qabtay Bulshada Somaliyed.

Madaxweynaha wuxuu sheegay go’aanka inay leeyihiin Bulshada Somaliyed, balse waxaa xusid mudan Doorashada ka dhaceysa Somaliya sanadkaan inaysan saameyn ku laheyn Bulshada oo Xildhibaano ay Madaxweynaha Dooranayaan.

“Aniga Doorashadeyda dabcan aniga isma xukumi karo dadka Somaliyed ayaaI xukumi doona iyo Baarlamaanka imaan doona, laakiin rajo badan ayaan ka qabaa dadka Somaliyed fursad kale maadaama aan aaminsanahay in aan wax fiican dalka u soo qabtay oo fursad kale la siin doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay inuu saadaal ka bixiyo cida ku soo bixi karta Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo, balse wuxuu sheegay inay adag tahay in saadaal laga bixiyo Mustaqbalka Doorashada.

“Horta Saadaasha Mustaqbalka waa ay dhib badan tahay Dadka Somaliyed kuligood waa dad mudan inay xilka qabtaan oo awood u leh inay masuuliyada qabtaan dad badan waagii 2012-ka isma laheyn inaan anigu Madaxweyne noqonaayo, maantana anigu inaan ka hor dhaco marabo oo aan saadaaliyo oo hebel ma qaban karo iyo hebel ma qabanaayo inaan dhaho ma rabo, dadka waxa ay joogaan marxaladii anigu aan joogay siyaasiyiinta waana soo dhaweynaa.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan.

Dadka Somaliyed qaarkood Madaxweyne Xasan waxa ay ku dhaliilayaan inuusan qaban shaqooyin badan oo loo baahnaa inuu qabto, halka qaar kale oo Bulshada ka mid ahna ay ku ammaanayaan Madaxweynaha inuu qabtay wax wanaagsan.

Musharaxiin kala duwan ayaa u taagan Qabashada Hogaanka dalka Somaliya, oo Bilaha soo socda la filaayo inay ka dhacdo Doorasho isbedel Siyaasadeed dalka ku keenta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here