Ciidanka Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Baastoolad Lagalayey Maxkamada Ciidanka Oo Lagu Qaadayay Kiiska Dilkii Taliye Caseyr.

0
322

Ciidanka Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Baastoolad Lagalayey Maxkamada Ciidanka Oo Lagu Qaadayay Kiiska Dilkii Taliye Caseyr.

Ciidanka Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Baastoolad Lagalayey Maxkamada Ciidanka Oo Lagu Qaadayay Kiiska Dilkii Taliye Caseyr.

Ciidamada ilaalada u ahaa Maxakamada Ciidamada Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan Baastoolad oo damacsanaa in uu gudaha hore lagalo baastoolada Kadib markii Shalay la horkeenay Maxkamada eedaysanayaasha dilkii Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Caseyr) (Taliyihii Qeybta Gobolka Saaxil ee ladilay) oo dacwadiisu ka socotey Maxkamada Ciidamada.

Ciidanka ilaalada u ahaa Maxkamada Ciidanka ee kiiskaasi ka socdey ayaa xaqiijiyay in ninka ay ku qabteen Baastoolada ay walaalo ahaayeen Marxuumka Taliyihii Qeybta Gobolka Saaxil Marxuum Caseyr ee kiiska dilkiisu ka socdey Maxkamada Ciidanka taas, oo ay amreen markii ay ogaadeen garsoorayaasha kiiska ku guda jirey in amaan ahaan loo taxaabo iyadoo lagu qabtey iridka hoose ee dabaqa Maxkamada laga koro.

Ilaa iyo hada majiraan warar dheeraad ah oo kasoo baxey Saraakiisha dhinaca amaanka iyadoo dhacdadani firkanax ku abuurtey garsoorayaasha kiiskaasi ku guda jiray,waxaanay wararku intaa ku dareen in galinkii dambe ee Shalay loo soo celiyey Xoriyadiisa ninkaa baastoolada lagu qabtey ee ay walaalo ahaayeen Marxuum Caseyr Taliyihii lagu dilay nawaaxiga Koonfureed ee Magaalada Berbera,waxaana xoriyada usoo celiyay Gudoomiyaha Darajada Koowaad ee heer Gobol Maxkamada Ciidanka u qaabilsan Yuusuf Faarax Sharmaarke (Yuusuf-Geerash).

Inkastoo qaadista dacwada Kiiskan dilka Taliyuhu yahey mid aad u xasaasi ah wakhtigan hadana lama oga waxa lagu qanciyay Marxuumka walaalkii markii Xoriyadiisa loo soo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here