Madaxweynaha Dowladda Koonfurta Sudan, Salva Kiir, ayaa waxaa uu amray in la baaro runta ka dambeysa iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee Khamiistii iyo Jimcihii ka dhacay xeendaabka Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Juba.
Salva-Kiir-Mayardi_1940971c
Madaxweynaha, ayaa waxaa uu magacaabay guddi baaritaan ku sameeya iska horimaadyada uu dhiigga badani ku daatay, dareenka argagaxa badana ku beeray shacabka.
Guddigan, ayaa ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Koonfurta Sudan. Wasiirka Amniga Qaranka, Isaac Mbuto Mamur, ayaana madax looga dhigay. Xubnaha la magacaabay ee guddigan ku jira waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, General Alfred Ladu Gore.
Guddigan, ayuu Madaxweynuhu u wakiishay in si dhab ah u baaraan xaqiiqadda ka dambeysa ciddii soo maleygtay waxa ka dhacay Caasimadda Juba iyo ujeedadooduba.
Madaxweynaha Koonfurta Sudan iyo ku Xigeenkiisa, Riek Machar, ayaa labaduba ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada, Khamiistii iyo Jimcihii oo iska horimaadyadan ay ka dhaceen aagga Madaxtooyada Juba.
Iska horimaadka Khamiistii dhacay, ayaa waxaa ku dhimatay shan askari, halka kan Jimcihiina ay ku dhimatay 10 qof oo askar u badneyd.
Madaxweynaha Koonfurta Sudan iyo Ku Xigeenkiisuba, ayaa shacabkooda ugu baaqay in ay is dejiyan, sidoo kalana aanay u joojin wixii ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada.