Dowlda Kenya ayaa beenisay warbixin ay soo saartay Qaramada Midobay taasoo lagu sheegay in ciidamada cirka ee dowlada Kenya ay dad rayid ah ku laayeen dalka Soomaaliya kadib weerarkii ururka Alshababa uu ku qaaday saldhiga Ceel Cadde.
201679636036336961955032sompic
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 29 ruux oo rayid ah ay dileen ciidamada Kenya iyadoo warbixintan ay dib u eegis ku sameeyeen khamiistii aynu ka soo gudubnay Golaha Ammaanka.
Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in ceelal iyo guryo lagu burburiyay weerarka sidoo kalana xoolo ay ku dhinteen rasaas ay la beegsadeen diyaaradaha dagaalka Kenya.
Ban Ki-moon waxa uu Golaha Ammaanka ee QM u sheegay inay jiraan eedeymo ay warbaahinadda iyo dadka deegaanka soo gudbiyeen oo ah inay Kenya adeegsatay gantaalladda sii kala faliirma ee Kalastarka (Cluster) loo yaqaan, inkastoo ay dowladda Kenya si rasmi ah u beenisay eedan.
Kenya waxay ka mid tahay 108-ka Waddan ee saxiixay heshiiska caalamiga ee lagu mamnuucay Isticmaalka hubka Kalastarka.
Duqeynta diyaaradaha Kenya ayaa ka dambeysay weerarkii ay askar badan oo Kenyan ah ku dhinteen 15kii January 2015,inkastoo aysan dowlada Kenya si rasmi ah u shaacin tirada ciidamadeeda loogaga diley saldhiga ay ku lahaayeen gobolka Gedo.
Qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa dhabar jab ku ah codsi ay dowlada Kenya u gudbisay Qaramada Midoobay kaasoo ahaa in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay la wareegaan Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u gudbiyay codsi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isagoo ka wakiil ahaa Midowga Afrika kulan ka dhacay magaalada Brussels June 15keedii.
Qaraarka ay ansixiyeen 15ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu ku raacsan yahay Mr Ban kaasoo ah in xaalada dalka Soomaaliya aysan ku habooneyn in xilligan la geeyo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay.
Xigasho:Daily Nation