Xilli Jimcihii bannaanbaxyo ka dhan ah Booliska Mareykanka ay ka socdeen Magaalada Dallas ee Gobolka Texas, ayaa waxaa ka dhashay isku dhac u dhaxeeyay Booliska iyo dabley hubeysan.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12 13 14 14 15
Warbaahinta Mareykanka, ayaa soo tebinaysa in weerarkaasi lagu toogtay ugu yaraan 11 ka mid ah Saraakiisha Booliska, iyadoo afar ka mid ihi la xaqiijiyay inay dhinteen.
Bannaanbaxyadan, ayaa ka dhashay dilal laba nin oo madow ahaa maalmo ka hor loogu gaystay Gobolada Louisiana iyo Minnesota, taasoo dhalisay in Magaalooyinka Mareykanka qaarkood ka dhacaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo Booliska.
Saraakiisha Magaalada Dallas, ayaa waxay soo bandhigeen muuqaalka nin madow ah oo ku hubeysan qori nooca darandooriga u dhaca, kaasoo lagu tuhunsan yahay in uu ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday.
Saraakiisha, ayaa waxay dadka ka codsadeen in lagu soo wargeliyo goob kasta oo ay ku arkaan ninka la doon doonaayo.
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo ka hadlay dilka labada nin ee madowga ah, ayaa Saraakiisha Booliska ku eedeeyay in si aan loo meeldeyin ay u wajahayan madowga Mareykanka.
Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in toogashada ceynkani oo kala ah ay walwal ku beeri karto dhammaan dadka dalka Mareykanka u dhashay.