Xukuumadda Oo Ku Guulaystay Qorshe Ay Ku Kala Qaybinayso Madax-dhaqameedka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Saaxil.

0
459

Madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa ku kala qaybsamay aragtida ay ka qabaan maalgalinta dekedda Berbera oo ay qoloba dhinac garabka saartay.

dface9d1-2a67-4a42-93d9-7b24cb2eb238
Ugu horayn dhinaca Salaadiinta iyo madaxdhaqameedka ayaa muujiyey kala qaybsanaan wayn oo ku aadan maalgelinta dekedda Berbera kadib markii ay guddida sare ee beesha Ciise Muuse Dan iyo Duco ay taageereen maalgashiga dekedda Berbera oo ay ku sheegeen horumar iyo fursad qaali ah oo u soo korodhay.
Sidoo kale madaxdhaqameed iyo salaadiin qoladaas hore ka soo horjeeda ayaa ku dhawaaqday in la isugu yimaado shir wayne ay beesha gobolka Saaxil kaga arrinsanayso balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, kooxdan salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha isugu jirta ayaa iyagu qayb ka ah dedaalada lagaga soo horjeedo maalgalinta dekedda Berbera taasoo inbadan dhaqdhaqaaqyadeedu ay socdeen.
Sidoo kale Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee ku jira xukuumadda iyo kuwa aan ku jirin ayaa kukala tagay arrintan, waxaana siyaasiyiintaas ugu cad cad labada wasiir kuxigeen ee ka soo jeeda gobolka Saaxil ee Warshadaha iyo Xanaanada xoolaha iyo labada agaasime ee diinta iyo warfaafinta. Dhammaan masuuliyiintan ayaa marar kala duwan lala xidhiidhiyey inay qayb ka yihiin ragaadinta dhaqan galka heshiiska dekedda balse dhamaantood warkaasi way beeniyeen.
Todobaadkii ina soo dhaafay ayaa shir la isugu keenay masuuliyiinta xukuumadda ku jira ee aynu hore u soo sheegnay waxaanay wararka shirkaas ka soo baxay ay shegeen in shirkaas gacmaha la isula tagay taasoo muujinaysa sida masuuliyantan qaarkood aanay daacad uga ahayn heshiiska dekedda Berbera ee ay muujinayaan dareen afka baarkiisa ah.
Geesta kale masuulka kaliya ee ka soo jeeda Saaxil, xukuumadana ka tirsan ee heshiiskan wajiga u dhigtay ayaa la odhan karaa Sacad Cali Shire kaasoo aan marnaba ka daalin sharaxaadda faa’iidada heshiiskan.
Ugu dambayn xukuumadda Somaliland ayaa qayb ka ah khilaafka madaxdhaqameedka Gobolka Saaxil maadaama ay dhankeeda soo abaabulayso odayaal ka hadla muhiimadda mashruucan, taasoo qaran ahaan dhaawac ku ah dawladnimada, iyadoo ay dawladda la gudboonayd inaanay heshiiskan kala tashan odayaal balse ka talo galiso aqoonayahnka dalka maadaama mashruucani ka wayn yahay mid deegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here