Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay maalgalinta iyo balaadhinta dekedda Berbera oo ay mudooyinkii u dambeeyey qaar ka mid ah dadka deegaanku ka soo horjeesteen.
Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dekedda Berbera y tahay hanti qaran oo aanay dadka haatan sheeganayaa xaq u lahayn inay sheegtaan sidoo kale waxa uu xusay inaan dhismaha dekedda loo joojin doono shakhsiyaad aragtidoo gaarka ah ku hadlaya ayna haboontahay inay dadku horusocod sameeyaan oo ay joojiyaan hantida guud ee la kala sheeganayo oo uu sheegay inay dekedaha, waddooyinka, garoomada diyaaradaha iyo magaalooyinkuba ay ka mid yihiin.
Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE ayaa sidoo kale ku adkaystay inaan dadka reer Saaxil u dhamayn diidmada balaadhinta dekedda waxaana uu sheegay inaan dadka diidani meteli karin shacabka intiisa kale, Muuse Biixi oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Hawlaha inoo yaalla waxa ka mid ah balaadhinta dekedda Berbera iyo jidka Berbera Coridor arrintaasi waa horumar nasiib ah oo aynu helnay maanta oo qarankani helay waxaynu maqlaynaa dad badan oo intay TV-yda soo fadhiistaan dhaliil aan jirin saaraya, qaarbaa halkaas dhaafayo magac reereed ku hadla oo ku odhanaya anag oo reer Berbera ah. Dekeddu waa hanti qaran reer ma sheegan karo kooxi ma sheegan karto, Airport-yadu waa hanti qaran jidadku waa hanti qaran, hantida qaranka ka dhaxaysa cidi ma sheegan karto, Hargeysa waa caasimaddii qarankan waa loo siman yahay, waxaynu doonaynaa qofka Boorama ama Saylac ku dhashaa isagoon qaloonayn inu dego Laascaanood iyo Ceerigaabo halkaas ayay himiladeenu u socotaa. Afka (Odayaasha Reer Berbera) dadkana kuma hadli karaan, umadda dhan ee ay magaceeda ku hadlayaan kuma qabto anaga ayaa idiin sheegaynee waana la arki doonaa maaha inay afar qof meelaha qaarkood ka baalixoofteeyaan waa la dhisyaa dekedda Berbera waa la balaadhinayaa”.