Daawo Sawiro Qaraxii Ka Dhacay Mesjidka Nebi Muxamed(CSW) Iyo Jawiga Magaalada Madiina Oo Bedelan

0
498

Daawo(Sawiro)Qaraxii Ka Dhacay Mesjidka Nebi Muxamed(CSW) Iyo Jawiga Magaalada Madiina Oo Bedelan
Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyo caawa xiliga salaadii maqrib ka dhacay magaalada Madiina Al-Munawara ee dalka boqortooyada Saudia Arabia.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa ka dhacay banaanka hore ee masjidka uu ku aasan yahay nebi Muxamed NNKH gaar ahaan goob gaadiidka la dhigto iyo saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidanka ilaalada masjidka.

Gudoomiyaha magaalada Madina Prince Faisal bin Salman ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen lix ruux oo isugu jira afar askari iyo labo shacab ah oo ka tirsanaa dadkii masjidka ku cibaadeysanayey.

“Baaritaan ayaa socda ku saabsan waxa dhacay, Qaraxyadan waxay ahaayeen kuwo argagaxiso balse nama cabsi gelin karto argagaxisada kumana guuleysanayaan hadafkooda guracan talaabooyin adag ayaana ka qaadi doonaa kuwa lagu helo iney waxani ka dambeeyeen” ayuu yiri Prince Faisal bin Salman oo isbitaalka ku booqday askar ku dhaawacantay weerarkan.

Markii ay qaraxyadan dhaceen ayaa waxaa cirka isku shareeray holac iyo uuro badan, iyadoo ay gubteen gaadiid badan oo banaanka dhoobnaa, waxaana goobta ka dhacay jahwareer xoogan, waxaana masjidka ka soo yaacay dadkii gudihiisa ku cibaadeysanayey.

Magaalo la yiraahdo qatif oo ku taalla bariga wadanka Sacuudiga ayaa sidoo kale isla caawa uu ka dhacay qarax kale uu geystay qof isku soo xiray suun miineysan meel ku dhow masjid ay leeyihiin shiicada wadankaas, lama soo sheegin khasaare ka dhashay qaraxan.

Saaka ayey aheyd markii nin mineysan uu isku qarxiyey qunsuliyada Maraykanku ku leeyahay magaalada Jeddah ee wadanka Sacuudiga, ninkii qaraxa waday keligiis ayaana ku dhintay halkaas, labo askari oo ilaalo ahaana dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray.

Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa 24 saac gudahood mar kaliya ka dhaca wadanka Sacuudiga oo ah wadan aad loo ilaaliyo amaanka, mana jirto cid sheegatay illaa hadda balse qaraxyo la mid ah oo horey dalkaas uga dhacay ayaa waxa masuuliyadooda qaatay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Siiriya, Ciraaq iyo meelo kale.

madina7

madina8

madina9

madina10

madina11

madina12

Qarax Madiina1

Qarax Madiina2

Qarax Madiina4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here