WAR DEG DEG AH QARAX XOOGAN OO GIL GILAY SUUQA UGU WEYN MAGAALADA MOQDISHO
Waxaa daqiiqado yar ka hor qarax xoogan oo Nuuca Miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay Suuqa ugu weyn Muqdisho ee lagu iibiyo Ariga oo kuyaala Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile.
Goobjooge ayaa noo sheegay in qaraxa miino lagu aasay goob ay inta badan ciidamada amaanka fariisan jireen kuna qaadi jireen lacagaha cabshuurta ee laga qaado Suuqaasi.
Inta la xaqiijiyay 8-qof oo isugu jira ciidan iyo shacab ayaa ku dhaawacmay Qaraxan Goordhaw dhacay Suuqa Ariga ee Degmada Dayniile, waxaana dadka dhaawaca qaba qaarkood lasoo sheegayaa in uu culus yahay dhaawacyada soo gaadhay.
Xubno katirsan Maamulka Degmada Dayniile oo goobta gaadhay ayaa u gurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi una qaaday xarumo caafimaad, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay hada xiray ciidamo katirsan Dowlada.wixii warar soo kordha kala soco