Home Muuqaalo Xukuumadda Oo Lacag Xad Dhaaf Ah Ku Rushaysay Shan Telefeeshin, Si Aanay...
Xukuumadda Somaliland, ayaa lacago tiro badan oo laalush ah waxay jeebada ugu shubtay maamulayaasha Shan Telefeeshin, kuwaas oo lagula heshiiyay in aanay baahin wararka lagaga soo horjeedo Maalin galinta Dekeda Berbera.
Telefishanadan oo ah kuwa ku jira hawda satellite ee Thaicome 5 iyo kuwo maxali ah waxay kala yidhiin.
– Star Tv
– HCTV
– Universal Tv
– Bulsho Tv
Nidamka loo siiyey lacagtan buuran ayaa xogaha laga helaaya waxay sheegayaan in loogu magac darayBaahinta Barnaamijka “Heshiiska Maamulka Dekada “Berbera. Waxaana Telefishanadan qaar ka mid ah sida Star-Tv oo kale uu qaatay 50% lacagtii ay xukuumada ku heshiisiyeen waxaana jira amaro ay madaxda warbaahintaasi dul dhigeen shaqaaladooda oo ah in aanay soo duubi karin isla markaana aaanay baahin karin warar lidi ku ah heshiiska dekada Berbera .
Saxaafadda Wargayska Madaxa banaan ee ka soo baxa Hargaysa iyo Shabakadaha caanka ah ee dhinaca Internetka ayaan qayb ka ahayn heshiiskan.
Like this:
Like Loading...
Related