KULMIYE Oo Olole Siyaasadeed Bisha Ramadaan Galaabixiyay Iyo WADANI Oo Cibaado Ku Maqan

0
441

KULMIYE Oo Olole Siyaasadeed Bisha Ramadaan Galaabixiyay Iyo WADANI Oo Cibaado Ku Maqan

Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa olole siyaasadeed galabixiyay Bishan Ramadaan ee aynu ku jirno, shirar is barkan oo Casuumado wehelinayaan ayuu Xisbul Xaakimka KULMIYE ku marti qaadayay xubno kala duwan oo uu ka dugsanaayo cudud tageero.

 

 

Sidoo kale Habeen hore ayuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahana Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbigaas, Mud. Muuse Biixi Cabdi, shir u qabtay Xubno Boorame kaga soo biiray Xisbiga. In kasta oo Bisha Ramadaan dhaq-dhaqaaqyada Siyaasiga ahi yaraadan hadana wuxuu KULMIYE u muuqda inuu laba kac leeyay Bishan Ramadaan.

Geesta kale Xisbiga ay sida weyn u loo lamayaan ee WADANI oo u hoggaamiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isagu u muuqda inuu Bisha Ramadaan Cibaado ku maqanyahay, mana jirin wax dhaq dhqaaq siyaasadeed ah oo uu Bisha Ramadaan sameeyay Xisbiga WADANI, waxaana la filaaya inuu gufacooyin kulamo ah qaban doono Ciidka kadib, kuwaas oo isugu jira xod-xodashada siyaasiyiin kala duwan iyo kasbasho tageerayaal hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here