Sida wararka nasoo gaadhayaa sheegayaan waxa xaalad caafimaad dhakhtarka weyn ee Hargeysa loo dhigay Qoraa Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ,kadib markii uu xanuunka macaanku ku kacay.
Mujaahidka ayaa ku hawlanaa soo deynta dhalinyaro ka hor timid Maalgelinta Dekeda Berbera oo dhowaan xukumadu xabsiga u taxaabtay,waxaanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in uu Xanuunkaasi Macaanku ku kacay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.
Boobe Yuusuf Ducaale ayaa kamidah Haldoorka Faro Ku Tiriska ah ee reer Somaliland kuwaas oo haya kaydad taariikh ah ,sidoo kalena kaga gudban Qarankan Cadowyo Farabadan.