Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi,
ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayodoorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysaninay qabsoomaan horraanta sannadka 2017.
????????????????????????????????????
Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad hoggaanka xisbiga
KULMIYE u sameeyey qaybo ka mid ah qurba-joogga iyo madaxda laamahaxisbiga ee dibadda, gaar ahaan dalal ka tirsan qaaradda Yurub caawa.Casuumadda oo ahayd afur iyo casho ka dhacday huteelka Ambassador eecaasimadda Somaliland ee Hargeysa oo qayb ka ah dardargelinta udiyaargarowga xisbiga ee doorashooyinka soo socda, waxa ka qaybgalay
xubnaha hoggaanka xisbiga oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahnamurrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Soltelco, wasiirro ka tirsan xukuumadda,xildhibaanno, masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, qurba-joog farabadan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee waddamada dibadda ku nooloo ay ku jiraan madaxda laamaha xisbiga ee dalal ku yaal Yurub oo ay ka
mid yihiin Sweden, Finland, Wales iyo kuwo kale.
????????????????????????????????????
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed,Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Maayarka caasimaddaMd. Cabdiraxmaan Soltelco, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mr.Maxamed Aaden Cilmi (Ilkacase) iyo siyaasiga Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) oo dhawaan xisbiga ku biiray, ayaa hadallo kooban oo ay kajeediyeen kulankaasi uga mahadceliyey qurba-joogga ajiibidda casuumaddaxisbiga KULMIYE u sameeyey, waxa kaloo ay uga xog-warrameen hawlaha
xisbiga iyo xukuumaddiisa, waxqabadka ay dalka ka hirgelisay, udiyaargarowga doorashada iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. MuuseBiixi Cabdi oo khudbad kooban ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyeyqurba-joogta xisbiga, waxaannu u sheegay in xisbal-xaakimku marayohalkii u wanaagsanayd waqtigan, isla markaana uu rajo wayn ka qabo inuumar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda.
“KULMIYE maanta meel wanaagsan buu joogaa, tartanka soo socdana shakikama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay,KULMIYE waa intiisii oo wuu weliba ka sii xoogaystay, KULMIYE waaxisbigaa 14 jirka ah ee ay isugu yimaadeen haldoorkii Somaliland oodhami. Xilka inna saarani waxa weeye KULMIYE lix sanno oo uu xilka hayey
magaca loola baxay waa dawladdii waxqabadka oo uu dalka iyo dadka waxbadan taray, innaguna iminka waddadaa la inoo jeexay ee waddada